Wednesday, March 26, 2014

M/weynaha Somalia oo Carabta ugu baaqay inay Siyaasadda Qarniga 21aad la jaanqaadaan


Xasan Sheikh Maxamuud"Madaxda Carabta waa inay xal u helaan mushkiladaha ka jira dalalka Carabta."




IMG_5159Kuiwat(GNA)-Madaxweynaha Somalia ayaa ka qeybgalay Shirka Jaamicadda Carabta oo Kuwait ka socda.




Xasan sheikh Maxamuud oo laba maalmood ka hor gaadhay Caasimadda Kuiwat ayaa waxa airport-ka ku soo dhoweeyey Amir-ka Kuwait,  Amir Sabah Al-Jabir Al Sabah.




Shir madaxeedka Carabta ayaa diirada lagu saarayaa qul-qulatooyinka ka oogan Masar Syria, Xaalada bariga dhexe iyo Falestin iyo arrimo kale.




Madaxweyne Xasan sheikh ayaa shirka hor dhigaya in dawladdaha carabtu taageero dhaqaale iyo mid milateriba u fidiyaan Somaaliyan kana qayb qaataan isbedeladda socda.IMG_5142




Isagoo hadlayay ka hor intaanu madasha shirka gaarin ayuu  yiri "Madaxda Dalalka Carabtu waa inay xal waara u helaan mashaakilaadka iyo caqabadaha heysa shacabka dalalka Carabta. Waana in hay'adaheena siyaasada ay noqdaan kuwo la jaanqaadi kara qarniga 21aad oo aan horumarinaa shacabkeena si ay u helaan waxbarasho tayo leh, oo aan la imaanaa midnimo si aan shacabka dalalka Carabta u gaarsiino horumarka ay istaahilaan."




"Waddamada Carabta waxey muhiim noogu yihiin dhanka diblomaasiyadda iyo horumarka Somalia, bacdamaa uu dalkeenu galayo marxaladda dib u dhiska iyo horumarinta Somalia.  Waxaana kulamo gaar-gaar ah la qaadan doonaa madaxda kale si aan ugala hadlo dib u dhiska iyo mashaariic horumarineed oo shacabkeenu aad ugu baahanyahay." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.




 Madaxweyne Xasan ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey "Sidoo kale madaxda Carabta waxaan warbixin ka siinay dagaalka Al-Shabaab dalka looga xorreynayo iyo guulaha isdaba jooga ah. Dagaalkan ka dib waxaa noo qorsheysan sidii aan dalka uga hirgelin laheyn nidaamka dimoqraadiyeynta si shacabku ay aayahooda uga tashadaan. Bacdamaa Al-Shabaab la baacsanayo waxaan si sharuud la'aan ah u soo dhoweyneynaa Soomalida qoryaha iska dhigta oo diyaarka u ah nabadeynta dalka. Waaana inaan gacmaha is qabsadaan oo aan u soo wada jeesanaa dib u dhiska dalka." IMG_5136   IMG_5203 (2)




Gobanimonews




Muqdisho Office