“Mus dalleena baa jira,
Bahal baa duddada tuban,
Demmenaanta ubadkayga,
Iyo Deylo lumisteeda,
Iyo dacawadeer buuxda,
Anigiyo dedaalkayga,
Markaan dayo ammuurtayda,
Daacadow laxdaydani,
Dar Alley ku socotaa,”
Maansada Dir-sooc, 1990kii ee Ibraahin-gadhle,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
27/3/2014ka, Hargeysa,
Haa….Ma hadda ayaynu soo miiraabaynaa……Mise hadda ayaynu sii goosnaynaa…..
Safarkii Siigaale ayaynu hadda ka meydhannay. Weji-ku-macaashkii iyo hadhaagii sacabka iyo durbaannada ku mamay ayaa saacado shaqo ay isku muujiyaan helay. Madaxweyne xilkii saarnaa ee uu ku dhaartay is-yidhi gudo oo weliba aan si fiican u gudan ayaa caleemo loo lulayaa. Alla maxaa la shaqo beelay oo baahi darteed loo bahalo cunayaa. Wefdiga Hargeysa ka kallahay ee Seylac u hoyday. Seylac ka kallahay ee Berbera seexday. Berbera ka kallahay ee Xiis seexday. Ee halkee maray? Laba-dhegedkii Lughaya iyo waddooyinkii ‘Surveyga’. Halkaa wuxu kaga dhacay Cabdi-geeddi. Wuxu maray Ceel-sheekh iyo Bullaxaar. Berbera ayuu habeenkii labaad ku hoyday. Malaha laba habeen ayuu ku nastay. Banankii Madab iyo Goob Aare maray. Ceelashii Madab, Dhanso, Laaq-dheere iyo Duur-dhil sii maray. Aan takhaygii is-taagin. Dhuuxii Gambaxo iyo waayaha ka jiray aan u joogsan. Laasaski sida hillaaca ku maray: Laaso Muuse, Laaso Uur-weyn iyo intii kale ee aad ku dari kartaan. Gubanku galbeed ilaa bari waa dhulka ugu tabaalaha iyo tawsta badan Somaliland. Markaasaa lagu odhanayaa wefdigii Madaxweynaha ayaa maray. Waxaan soo xusuustaa maanso Cabdi Iidaan Faarax lahaa beydad ku jiray ay ka mid ahaayeen:
“Tanuu maray tanu shalay ka degay, tanna xaluu dhaafay,
Ma taraashib buu siday wuxuu, taray ma sheegaan e’,”
Miyaydaan maqal: “Gambo nimaan la soo bixin, haddii guulo lagu waabo.” Gu’ baas mooyiye, haddii aan garaadba inoo kordhayn sidee la ina odhan doonaa.
Xukuumaddeenna amaan-jecel safar iyo socdaal waa ka caynkaas. Dadkii ayay siigo iyo sooryo aanay karayn ku dishay. Been ku hadli mayo haddii aan idin idhaahdo cid caawa garanaysa tiradii dadka iyo baabbuurtii wefdigaas, lama hayo. Habqanka iyo aabbahay-goblantu waa caadadood ee ceebtood ma aha. Safarrada ay dibadaha ugu baxaan ayaaba laga yaabay, waaba se mid gudaha ah.
Ku-ye, Berbera ayuu ku dabbaashay. Waa run oo waa la wada arkayay. Bal se muxuu ka yidhi badda iyo Batalaale? Dabbaashaa dabbaashii uga horreysay goor ma ayay ahayd? Xaggee ayay ahayd? Maxay labada dabbaalood ku kala duwanaayeen? Weedhahaas ayaa xayaysiis wanaagsan inoo noqon lahaa, bal se wax tiraab ah Odeyga kama haynno. Safarka oo dhan ayaan laga hayn. Markaa muxuu macno lahaa dee? Waa hawl idiin taal. Mise aniga ayaad iga sugaysaan?
Xukuumaddii waa taas. Saa waa Xisbigii? Waa kee? Waa Kulmiye. Ma Shirweynihii? Oo ma Shirweyne ayaa la qaban karayaa? Waa markii immisaad ee ergo dibadda ka timid iyaga oo aan Shirweyne gelin iska noqonayaan. Xisbiga caynkaas ah ee weliba sheeganaya in uu taladii dalka hayo, ayaa haddana qabsan kari la’ Shirweynihiisii uu qabsan kari jiray isaga oo mucaarid ahaa. Xataa berigaa, waxba lama qaban jirin ee magac-u-yaal ayay kulammadu ahaayeen iyo hugunkii ‘Kacaankii Oktoobar’ wax ka liitay. Maantana kaba sii daran.
Dar madhan ayaa lagu loollamayaa. Waa la iskala tegay Dastuurkii xisbiga. Waa laga jaqaafiyay Dastuurkii Qaranka. Duruustii Macallinkii galbaday iyo qabyaaladdii lagu go’ay ee lagu goblamay ayaa godadkii loo doontay. Ii cug iyo Cirka ayaa xaal taagan yahay. Ii cug: Laba reer Qadhoon. Ii cug: Afar reer Quwaax ah. Halkaaba la islama dhaafayo. Wixii xigaaba waa: Goor ma ayay reer Quwaax ka bateen reer Qadhoon iyo ma idinkaa na gaadha. Sidaas ayaa reerihii kalena ku maqan yihiin.
Dastuurka Qaranku wuxu qorayaa:
Qodobka: 9aad, Faqraddiisa 2aad: Tirada xisbiyada siyaasiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi,
Faqradda 3aad: Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxa reebban in xisbi lagu dhiso gobolaysi iyo qabyaalad.
Weli ma is-weydiiseen su’aasha ah horto Kulmiye xisbi ahaan ma u jiraa? Meeday Guddidii Diiwaan-gelinta ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda ilaalain jirtay? Iyaduna ma dubuq tidhi? Ma hay’adaha la cunay ee la calaashaday ayaynu ku darnaa? Maxay uga hadli waayeen waxan socda iyo xisbigan duhurka cad jibsinta u kala baxay?
Dastuurka Kulmiye wuxu qorayaa in Shirweynaha xisbiga afartii sannadoodba mar la qaban karo. Shirweynihii ugu dambeeyay Maarj, 2008kii ayuu ahaa. Malahayga Qodobka 24aad ee Dastuurkooda ayuu ahaa. Wuxu intaa ku darayaa in Golaha Dhexe hal mar muddo lix bilood ah dib u dhigi karo. Marka aynu Dastuurkaa xisbiga Kulmiye raacno, Kulmiye xisbi ahaan ma u jiraa mise waa xisbi waayaha ku milmay oo ka jaqaafiyay saaxadda siyaasadeed? Waa su’aal ina wada hor taal. Xaggee lagu arkay xisbi iska odhanaya mar kasta Shirweynihii ayaa dib u dhacay? Yaan Gole Dhexe ahayn ee Shirweynaha dib u dhigi karta.
Golihii Guurtidu waa uu arkayaa. Golihii Wakiilladu waa ay arkayaan. Gaarsoorkii waa uu arkayaa. Xisbiyadii Mucaaradka ahaa waa ay arkayaan. Saxaafaddi waa ay arkaysaa. Dadweynihii waa ay arkayaan. Haddana cidi kama hadlayso. Horumar iyo dimuqraadiyad in laga hadlana waa la donayaa.
Su’aasha Khamiislahani waxay tahay:
Kulmiye, xisbi ahaan ma u jiraa? Maxaad ku sababaynaysaa? Immisa jeer ayaa Shirweynihiisa dib loo dhigay? Yaa u dhigay? Yaa awood dastuuriya u leh in uu Shirweynaha dib u dhigo? Haddii uu Shirweynihiisa qabsan kari waayo ma xisbi jiraa? Maxaa inooga xeer ah?
Kuwaa iyo kun su’aalood kale ayaa jawaabo inaga sugaya haddii aynaan is-yeel-yeelayn.
SNM, saaxadda siyaasadda waxay ka baxday markii ay qabsan kari weyday Shirweynaheedii 7aad oo ku beegnaa Meey, 1993kii. Xisbiga Kulmiye miyuu ka duwan yahay? Miyaanu xeerkaasi qabanayn. Iyagaaba soo halgamay oo naf iyo maalba soo huray ee maxaa lagu haystaa?
Dhammaad, waa inoo Tirsiga 8aad, haddii Eebbe idmo.