Wednesday, March 26, 2014

Dalka yaa cadaalad iyo sinnaansho ku hogaamin kara?q.2aad


Qormadii hore waxa aan dul maray xukuumada maanta dalka hogaamisaa inay ka leexatay halkii shacabku  u bukay.Taas oo ah sidii looga gudbi lahaa hab-beeleedka oo ay xukuumadani siiba naaxisay.Hada kama hadlayo wado la kabo iyo bangalooyin loo dhiso wasaaradaha oo xukuumadani ku faanto inay dhistay.




Waxa aan ka hadlayaa waa baahida ugu culus ee dalku u baahan-yahay oo aan u arko inay tahay habkii shacabka lagu dhaqi lahaa,loona heli lahaa cadaalad iyo sinnaansho.Tan oo xoojin lahayd jidkan aynu qaadnay ee ah dimuqraadiyad ku salaysan habka xisbiyada badan.Aragtida labaad waxay ku arooraysaa oo qaladaadkan oo dhan sababay waa hadba 3da xisbi qaran oo u baahan in xeerarkooda ay wax ka bedelaan,iskuna soo layl-yaan gudahooda ku dhaqanka dimuqraadiyada.Si looga gudbo arrinkan ku dhaqanka hab-beeleedka ee adhaxda ka jebiyay koritaanka dawlad-nimo.




Arrigtida 3aad ee aan u arko xukuumadani inay baal martay,dalkana miisaan culus u leh waxa weeyaan siyaasad(Policy)lagu wado qorshaha dawladnimo.Maanta waxqabad-ka xukuumadu waxa aad moodaa inay dhamaan yahiin uun qorshayaal aan la lafo gurin oo ku xariiq-naa qorshaha kulmiye oo aan ku salays-nayn siyaasad cad oo la raaco,una eg crash programs oo aad moodu in ololaha doorashooyinka innagu soo fool leh kulmiye uga dan leeyahay.




Hadaba shacabku wuu arkay,waanu ogyahay maanta kulmiye oo dhalay xukuumada dalka ka talisa inuu ka siibtay salaankii hirgelinta cadaalada iyo sinnaanshaha,una leexday adeegsiga iyo hirgelinta ku dhaqanka hab-beeleedka.Markaa soo aragnay kulmiye ee labada xisbi qaran ee mucaaridka ah ucid iyo wadani keebaa cadaalad iyo sinnaansho laga fili karaa inuu dalka ku hogaamiyo!




 




La Soco…




 




Xuseen Xasan Badmaax




 




Hargeysa/JSL