Hargeysa(GNA)-Magaaladda Burco waxa wali ka sii socda boobka Dhulka Danta Guud.
Tani waxay imanaysaa xili madaxweynuhu dhawaan digreeto ku madnuucay ku takri falka danta guud.
Waxa todobaadkan Gudihiisa dhisme,seesas iyo dhalan gadi lagu sameeyay tiroba sadex meelood oo kala ah.
Kaalinta Baartsiigo oo hada laga bineeyay sees ilaa wadada wayn ee uu hada Madaxwaynuu xadhiga ka jaray soo gashay, halkaas oo horena ilaa laba guri oo looga dhisay.
waxa kale oo iyana la dhisay oo hada faraha lagu hayaa mid ka mid ah Guryaha ganacsiga ee ay dawlada hoose gacanta ku haysay kaas oo kasoo hor jeeda siirooga wayn ee dawlada hoose ee magaalada Burco.
sidoo kale waxaa gacanta dawladda ka baxday wakaaladii hore ee dawooyinka ASPIMA ee dawladii hore ee siyaad bare ka dhistay Burco.
boobkan cusub ayaa waxaa uu hal bacaad lagu lisay ka dhigayaa digreetooyinkii ugu danbeeyay ee uu madaxwayne siilaanyo arrimaha Dhulka ka soo saaray.
Mana aha markii koowaad iyo labaad tan iyo intii uu madaxwaynhu dalkadalka gacanta ku qabtay ee waxay tiro ahaan kor u dhaafayaan ilaa labaatan goobood oo ka mid ah dhulka halbawlaha ah ee danta guud ee ka mid ah Magaalada Burco oo ah degaanka uu madaxwaynuhu kasoo jeedo
Isuduwaha wasarada hawlaha guud oo gobanimonews wax ka waydiisay boobka dhulka ayaa sheegay inuu dawladda dhexe qaylo dhaan hore u diray.
Isagoo ku jawaaabay “anaku waxaanu qaylo dhaam u dirnay dawlada,madaxwaynuhu waa kii sharciyada kasoo saaray,dawlada hoosena beri ayaanu u gaynaynaa sharciyada cusub”.
Halkan ka Daawo Sawiro
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office