Tuesday, March 25, 2014

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Ka Digay Dagaal


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay hanjabaadaha iyo is-abaabulka dagaal ee maalmihii u dambeeyey u dhexeeyey Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaanu labada dhinacba u soo jeediyey talo ah inaan lagu deg-degin dagaal iyo colaad in la abuuro.




Saleba m adan




 




Guddoomiye Saleebaan waxa uu soo jeediyey in degganaanshaha la dhawro, isla markaana nabadgelyo lagu wada noolaado. Guddoomiyaha Guurtida oo maanta Warbahainta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, waxaan leeyahay laba dal oo walaalo ah oo dirs. Ah baynu nahaye aynu nabad ku wada noolaanno, ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtana cidda ay doonto dal ahaan ha ku abtirsatee way kala nabad-gashaa.”




Waxa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaanan leeyahay Madaxweynaha Maamulka Puntland haynoo bilaabin inaynu noqonno kuwii isku dhaca, deegaannadan Madaxweynuhu (Madaxweynaha Somaliland) soo maray waa Deegaanno Somaliland ah, waxay ila tahay dalalkuna kuma dhisna abtirsiimo ee ay leeyihiin xuduud iyo taariikh hore.Waxaanu kugula talinaynaa inaanay Somaliland u baahnayn ciidamo ay dhaq dhaqaajiso adiguna kaba taag darnid, waxaana lagama maarmaan ah inaad nabada ka shaqaysid.”




Dhaq-dhaqaajinta Ciidammada Puntland ayaa ka dambeeyey markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo Axaddii toddobaadkii hore uu booqasho ku tegay Degmada Laas-qoray oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaasoo ay Puntland ku doodayso inay ka taliso.




Xukuumadda Somaliland-na waxay ku hanjabtay Sabtidii toddobaadkan inaanay daawan doonin dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee ay Puntland waddo, balse ay kaga jawaabayso dhaqdhaqaaqyo Millateri oo kuwaas la mid ah sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.