Kadib markii Madaxweynaha Somaliya uu Sabtidii furay fadhigii 4-aad ee Baarlamaanka, ayaysan Xildhibaanada Baarlamaanka soo xaadirin kal fadhiyada Baarlamaanka.
Tan iyo Axadii, ayaa waxa uu kal fadhiga Baarlamaanka uu u baaqanaayay koorom la’aan, tirada loogu talla galay in lagu furo fadhiyada Baarlamanaka, oo ay adkaatay in la helo.
Guddoonka Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu maanta fariin u diray Xildhibaanada Baarlamanaka, si ay u soo xaadiraan kal fadhiyada Baarlamaanka, iyagoo gudanaaya waajibaadka horyaala.
“Anigoo ku hadlaaya magaca Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaan si xushmad leh ugu yeerayaa Xildhibaannada xubnaha ka ah Golaha Shacabka, ayaga oo fulinaya waajibaadka Dastuuriga ah iyo xeer Hoosaadka Golaha Shacabka qodobkiisa 16aad, inay u soo xaadiraan Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, oo furmay 22ka bishaan.” ayuu yiri Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka.
“Golaha Shacabka waxaa haatan horyaala arimmo aad iyo aad xasaasi u ah, islamarkaana muhiim u ah, anigoo Xildhibaannada Sharafta leh xusuusinaya inaysan Miisaaniyadda sanadkan 2014 oo dhameystiran ansaxsanayn, miisaaniyadda hada lagu dhaqmayo ee uu Golaha ansixiyey fasaxiisa Dastuuriga ah ka hor, waxa ay ku egtahay 31ka bishan, waqtigaasi oo aysan Xukuumaddu bixin Karin wax dhaqaale ah, dhammaan howlaha miisaaniyadda quseeya oo ay mushaarooyinka ugu horeeyaan wey joogsanayaan “
Mahad Cabdalla Cawad, ayaa markale Xildhibaanada Baarlamaanka ee dal iyo dibadba ku kala maqan, in ay ku soo laabtaan Magaalada Muqdisho.
“Ugu dambeen waxaan mar labaad ugu yeereynaa Xildhibaannada Sharafta leh ee jira Gobolada Dalka iyo dalka dibaddiisa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo xaadiraan xaruntooda shaqo ee Muqdisho, si ay dib ugu furmaan fadhiyadii caadiga ahaa, guluhuna si hufun ugu guto waajibkiisa Qaran, oo ay ugu horeyso Miisaaniyadda 2014ka oo hada gacanta lagu hayo.