Burco(GNA)-Xaflad aad loo soo agaasimay  oo lagu xusay sanadguuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay kooxda kubada cagta ee hotel Palaza ayaa lagu qabtay hoteelkaas,waxaana ugu horayn ka hadlay,Maxamed ibraahin warsame (hadraawi)waxaanu abwaanku aad ugu nuuxnuux saday in ay bulshadu is dhexgasho taasna ay kow  ka tahay ciyaaruhu
	 mubaarig  Axmed X. yuusuf oo ka waramay marxaladii kal duwanayd ee ay soo maratay kooxda isla markaan u rajeeyay inay orumar wayn ka gaadhi doonto
	kabtanka kooxda  Mr-Sacad  Bootaan Cashuur,xildhibaan Cabdi laki,Sh.Cali mawliid,waxaanay dhamaantood aad uga hadleen faa;iidada ciyaaruhu leeyihiin,iyagoo ganacsatadana ugu baaqay inay taageeraan dilnyarda iyo ciyaaraha ,ugu danbayntiina waxaa halkaas lagu gudoonsiiyay kooxdaas koobka heerka labaad,iyadoo dhinaca kalena shahaado sharaf lagu siiyay goobtaas kooxda Balaza Hotel.
	Axmed Muuse Maxamed
	Burco Office
