Afar ka mida Qoyska dilka loo haysto ayaa Hay'adaha dambi baadhistu sheegeen inay ka qayb qaateen dilkii Ruqia, dabadeed godka ku aaseen...
Hargeysa(GNA)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Maanta mar kale la keenay Eedeysaneyaasha isku qoyska ah ee loo haysto Gabadh dhawaan Hargeysa lagu dilay, taasoo inta la dilay Guri hoostii lagu aasay.
Lix ka mida siddeed Eedeysane oo loo haysto Dilka Ruqiya Siciid Ayaaanle, ayaa isku qoys ka soo jeedda, waxaanay kala yihiin Odaygii Reerka, Xaaskiisa iyo afar Caruur ah oo ay dhaleen.
Labada Eedeysane ee kale ayaa kala haweenay iyo Nin kale oo ay qoyskani sheegeen inay dilka qayb ka ahaayeen.
Dhegeysiga Dacwada ayaa ahayd markii labaad, waxaanay Xeer ilaalinta iyo laanta Dambi baadhistu maxkamadda u soo gudbiyeen in afar ka mida lixda qof ee isku qoyska ka soo jeeddaa dilkaa fuliyeen, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan C.I.D-da.
Afarta qof ayaa kala ah Hooyadda Qoyska iyo saddex Caruur ah oo ay dhashay oo uu ku jiro Wiil ay dhashay oo maalintii labaad Maxkamadda ka caddeeyay inuu isagu falka geystay, sida aanu wararka ku helnay.
Dadweyne tiro badan ayaa ku soo buuqay Kaamboolka Maxkamadda maanta markii la keenay dadkan.
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa hal todobaad iyo badh ka hor Eedeysaneyaashan ku xukuntay Rumaan xabsi ah, waxaana lix ka mida loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe.
Dhegeysiga dacwadan ayaa dib loogu balamay Sabtida soo socota, si halkaasi looga sii waddo dhegeysigeeda, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mida Maxkamaddu.
Saxaafadda ayaa dibada ka joogtay labadii fadhi ee Maxkamadda, laakiinse waxa loo ogolaaday ka qayb-galkeedda dhibaneyaasha iyo laamaha amaanka.
Kiiska loo haysto ayaa xaasaasiyad iyo saameyn balaadhan ku yeeshay bulshada dhexdeeda, ka dib markii god laga qoday guri dhexdii laga helay Maydka Marxuumadda loo heysto.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com