Tuesday, March 25, 2014

Migiste Madaxtooyadiiba maad gaadhine waa maxay guulwadeyntu? mise waa soo meerro?


Aduunyada ninkii nool waagii beryaba waxuu arkaa ama maqlaa wax ka fajiciya,inkasta oo aynu ogsoonnay in dalkii maanta guddo iyo debedba guulweyntii seetadii goosatey, oo waxaynu naqaaney mashruucyo haydaha loola taggo ama laga fikiro kolba mashruuca la maalgelinaayo, laakiin ay beryahan soo baxdey maxaynu madaxtooyada ku galnaa ama se maxaynu xil ama xoollo kaga helaynaa. Waa hami aan himilo fog lahayn, waa hadimo ina heertey.




Maanta waxaa iga yaabiyey saaxiibkey migiste oo shalay afkuu xukuumada ku dhaliilaayey ku difaacaaya oo guul wadeyn owgeed dhan walba uridey, xisbiyada mucaaridka  iyo odayaashii Madashaba madaxa goostey.




Waxaan maqli jirey galbeedka fog iyo itoobiya waxaa laga yaqaan dhaqan ah marka aad marti reer u noqoto in layidhaa inta weel ama madiibad loo dhiibo oradoo soo meero oo macnaheeda aynu fahmikarno. Haddaba maanta ninka inuu madaxtooyada gallo hami ka hayaa ee habeena ugu galay kambalkeeda hohay nin raggi kuma dhexee laguma hoydo maxay rag ku haysaa... xaalkiisu waa hooyoo soo meero (guulwadee).




Waa suaale qarnigii taliskii siyaad Barre iyo maanta kee baynu guul wadde badanay? KAN




Mohamed Jama Ismail(Shiine)