Berbera(GNA)- Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa, maanta si rasmi ah xadhiga uga jarey Guriga Golaha Wakiilada Somaliland kuyeelanayaan Gobolka Saaxil oo noqon doona Xafiiska Baarlamaanka Somaliland ee Gobolka Saaxil oo laga furey Magaala Xeebeeda Berbera islamarkaana, dhagax dhigay Dhismaha Xarun Cusub oo loo dhisayo Gurigaasi, oo ay bixiyeen Maamulka D/hoose ee Degmada Berbera. Munaasibad Balaadhan oo loo qabtey Xadhig ka jarista Guriga Baarlamaanka Somaliland oo lagu qabtey Isla Gurigaasi oo kuyaala Badhtamaha Magaalada Berbera Waxa kasoo Qeyb galey Xubnaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, Gudoomiyaha Gudida joogtada ah ee Golaha Xildhibaan
Ibraahim Mahdi Buubaa, Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf,Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed(xoorxoor), Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali iyo Kuxigeenkiisii, Maayar kuxigeenka Degmada Berbera Yacquub Cabdilaahi Ibraahim(Baashe),ahna kusimaha Maayarka Xoghayaha D/hoose ee Degmada Berbera Suheyb Maxamed Cali, iyo Xildhibaanada Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada, oo ay kamid yihiin Xildhibaan
Aareeye, Xildhibaan Maxamed Xaaji Xuseen Ciise, Xildhibaan Baar,Xildhibaan Hoori, Xildhibaan Siciid Cartan, Xildhibaan Qoor,Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, iyo Marti sharaf tira badan oo ka kooban Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Saaxil.
Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf oo hadalo kooban ka jeediyay Furitaankii ayaa Sheegay in aqalkani yahey Gurigii Baarlamaanku ku yeelanaya Gobolka Saaxil Magaalada Berbera
Gudoomiyaha Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,oo dhab ahaan uga hadley nuxurka Furitaanka Guriga Wakiilada ee ay maanta ka fureen Magaalada Berbera ayaa waxa kamid ahaa hadaladiisii.
"Xaruntani waxey noqoneysaa halkii laga heli lahaa Xeerarkii dalka ee dastuutiga ahaa oo Ardeyda Jaamacaduhu ka heli doonaan xeerarka Qabyo qoraalka ah doodooda oo ay kaga qeyb gali karaan isla Xafiiskan maanta la daah furey, iyo cidii lagu dhaqayayba xeerarkan oo ay ku akhrisan karaan, waayo dadku hadaanu baranin Xeerka lagu maamulayo Mushkilad badan ayaa jireysa, iyo isfaham la,aan waxa kale oo Xafiiskan tarayaa in laga doodo oo dadka Gobolkani joogaa ay kaga doodaan xeerarka Goluhu sameynayaan iyaguna ay fikirkooda ka dhiibtaan waayo wax weyn ayay kusoo kordhin doontaan, waayo awal waxa Xildhibaanada Wakiilada la kulmi jirey oo kaliya dadka Caasimada jooga laakiin imika waxey tani soo kordhisey in dadkii Goboladuna araadooda ka dhiibtaan oo dooda kaga qeyb qaataan Xeerka cusub ee Golaha horyaala, waxaanay noqon doontaa Xaruntani Xarun isku xidha mudanayaashii Gobolkan laga soo doortey iyo dadkii Gobolka deganaa in badanbaad is daydayeeseen baa laga yaabaa oo lalahaa Xildhibaanadii nagumay soo noqon ama qaarkood ma aragno Xaruntani waxey noqon doontaa marka Golaha Wakiiladu fasaxa galo Xarun loo soo diro oo ay usoo ambabaxaan Mudanayaasha Wakiilada ee laga soo doortey Gobolkan, oo ay fadhiisan doonaan mudada uu fasaxu kujiro Goluhu"Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.
Waxa kale oo isguna halkaa hadal kooban ka jeediyay oo ku sahabsan Nuxurka Furitaanka Xafiiskan Baarlamaanka Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo Sheegay in Gobolada dalka oo dhan laga hirgalin doono.
Waxa kale oo Munaasibadii dhagaxa lagu dhigayay Guriga Baarlamaanka ee Magaalada Berbera ka hadley Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali (Xoorxoor),Maayar Kuxigeenka Degmada Berbera iyo Badhasaab Kuxigeenka Gobolka ayaa, dhamaantood soo dhaweeyay Furitaanka Xafiiiskan taas, oo ay Xubnaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladuna u mahad celiyeen Maamulka Golaha Deegaanka, Maamulka Dekeda Berbera iyo ka Gobolka Saaxil sida diiran ee ay usioo dhaweeyeen ina Bixiyeen Dhulkan.