Burco(GNA)-Wafti ka socda Golaha Wakiilada Somaliland oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Cali yuusuf ayaa maaanta xadhiga ka jaray Xafiis uu ku yeelan doono Golaha Baarlmaanka somaliland Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Waftigan ayaa ka koobnaa Gudoomiye ku xigaanka labaad Cali yuusuf,Gudoomiyaha Gudiga joogtada ah Ibraahin Mahdi Buubaa,G/xigeenka Gudiga Joogatada ah Axmed Ducaale Bulaale,Xildhibaan Maxamed Xuseen,Xil.Max,ud Dhunkaal Guutaale(Qoor)Xil.Mataan hoori.
Gudoomiye xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Cali yuusuf oo Xafiiskan xadhiga ka jaray ayaa ugu horayn waxa uu sheegay inuu xafiiskani wax wayn ka badali doono hawl-qabadka Golaha wakiillada ee la soo doorto.
“Maanta farxad wayn bay noo tahay In aanu xafiis ka furano Magaalo madaxda labaad ee Somaliland oo dadwaynaha reer Togdheer aya nagala qayb qaataan xeerarka dalka loo samaynayo,waayo xeerarkaasi yar iyo wayn cid walba saamayn bay ku leeyihiin,inbadan bay dadku odhanjireen xildhibaanadii aanu soo dooranay dib umaanaan arag sababtuna waxay ahayd Xafiisba kumaanaan lahayn,kii dan u yimaadaana gurigiisa ayuu tagi jiray hadase waataas oo xafiis baanu ku leenahay,markasta oo xeer la smaynayo gudi hoosaadyada ayaa imanaya oo kolka la samaynayo xeerka intaanu xeer noqon ayaa dadka loosoo bandhigayaa oo taladooda nagu biiriyaan”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Guddida joogatada ah xil. Ibraahin Mahdi Buubaa oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in xafiiskani noqonayo kii saddexaad ee heer Gobol, ujeedada laga leeyahayna ay tahay sidii bulshadu u heli lahayd Xafiisyo gobol oo ay adeegyada Baarlamanka ka helaan.
Waxaanu yidhi''Xaruntan maanta aanu joognaa waa xaruntii sadexaad ee xadiga laga jaray,waxaanay xaruntani noqon doontaa xarun isku xidha xildhibaanadii gobolka laga soo doortay iyo Bulshada,waxa kale oo ay noqon doontaa xarun ay ku shaqeeyaan dadwayanaha gobolkan degani oo ay ka heli karaan xeerarkii dalka oodhan oo aanu hada u sidno koobiyadii oodhan,Markii hore waxaa nasiib uheli jiray ianay xeerarka ka doodaan dadka degan caasimada oo kali ah,laakiin maanta cid waliba waxay nasiib u heli doontaa fursad ay kaga doodaan xeerarka dalka lagu dhaqayo”ayuu yidhi.
G/xigeenka G/joogatada ah Xil.Axmed Ducaale Bulaale,ayaa isna sheegay in dhamaanba dalkoo dhan laga furi doono xafiisyadan oo kale,hadan tani ay ku meel gaadh ahaan ugu sii jiri doonaan laakin ay dhisan doonaan xarun cusub oo uu Badhasaabku u balan qaaday.Badhsaabka gobolka togdheer Maxed Muuse Diiriye ayaa isaguna ugu danbayn soo dhaweeyay xaruntan xusub ee baarlamaanku gobolka ka furtay.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office