Friday, March 14, 2014

Somaliland: laba Tuug midkeebaa Tamar roon!


Wasiirk Hawlaha guud oo Goleyaasha Deegaanka ka dalbaday inay soo wareejiyaan Faylasha Dhulka Danta guud iyo Maayirrada oo ku gacan saydhay..




Hawlaha gudHargeysa(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa  ka dalbaday Goleyaasha Deegaanka Dalka inay Wasaaraddiisa u soo gudbiyaan dhamaan dhulka Danta guud ah ee ay gacanta ku hayaan iyagoo u kala saaraya Dhul iyo Guryo.




Goleyaasha Deegaanka Magaalooyinka ayaa hore ugu gacan saydhay wareegto Wasiirku soo saaray oo uu ku iclaamiyay in dhamaan Dhulka Danta Guud ah iyo Guryaha Dawladdaba Xukuumadda dhexe la wareegayso, waxaanay ku doodeyaal Deegaanaddu in arrimaha Dhulka danta Guud ah ee Magaalooyinka ay iyagu ka masuul yihiin. soltel




Wareegto kale oo uu Maanta oo Khamiis ah soo saaray ayuu Wasiir Khaliif kaga dalbaday Maayirrada dalka inay ixtiraamaan shuruucda dalka oo uu ugu horeeyo Xeerka Maamulka Dhulka ee Xeer Lr 17 iyo go’aankii madaxweynuhu ka soo saaray dib u soo celinta hantida ma guurtada ah ee dawladda ee la bililiqaystay.




Wasiirka ayaa qoraalka uu so saaray ku yidhi sidan “Si loo dardar geliyo waajibaadka iyo adeega shaqo ee Wasaaradani u qabato




Shacbiga reer Somaliland, iyada oo la dhawrayo laguna shaqaynayo xeerarka iyo sharciga dalka waxaa waajib inagu ah iyadoo in la dabaqo xeer No 17.2001, ee Sharciga dhulka lana fuliyo wareegtadii Madaxweyanaha ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guriyaha dawlada waxana laydin ku wargelinayaa inaad soo gudbisaan liiska danaha ee aad haysaan idina oo u kala saaraya.




1-Danaha guud ee aad kala wareegteen Golihii Deegaanka ee idinka horeeyay




 




2-Danaha guud ee idiin soo xarooday mudadii aad xilka hayseen




 




3-Magacyada cid iska leh Beeraha ay soo xaroodeen danaha guud iyo Beer kasta tirade dhulka ee laga jaray




 




4-Degmada/Waaxda ama goobta ay ku taalo




 




5-Tirada danaha guud ee la isticmaalay iyo sababta loo isticmaalay




 




6-Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo Tafaasiishooda idinkoo u soo kala saaraya adeegyada kala ah




 




 




 




·        Goobaha Cibaadada (Masaajidada iyo Malcaamadaha)




 




·        Goobaha Waxbarashada (Noocyada kala duwan ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha)




 




·        Garoonada Ciyaaraha




 




·        Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH




 




·        Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada  iyo wixii la mida




Waxa Maayiyarada mar labaad lagu adkaynaya inay hawshan ku soo dhamaystiraan iyaga ooh al nuqul oo danaha guud ah ku soo xaraynaya Xafiisyada WHG/G/Gadiidka ee Gobol/Degmo mid kalana soo gaadhsiinaya xarunta Wasaarada Hawalaha guud ugu dambayn 21/03/2014




Waxa xusid mudan inaynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jahmuuriyada Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in aan loo siin Karin qof kale dan dan gaara”.ayuu ku yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Wareegtada.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Goleyaasha Deegaanka oo la xidhiidha dalabka Wasiirku u gudbiyay, iyagoo aan wali yooyootankii todobaadkan ku dhex maray arrinta xal ka gaadhin.




Hase ahaatee waxa muuqata in muranka ku saabsan sheekaddan Maamulka Dhulka Danta guud ah ee u dhexeeya Dawladdaha hoose iyo Xukuumadda dhexe uu yahay mid labada dhinac ku kala riixanayaan dano dhaqaale iyo Hanti goosi oo qolo waliba doonayso inay u madaxbanaanaato jaangoynta danta guud ee ma guurtada ah oo aan labada dhinac mid Ilaalinteeda lagu aaminayaa jirin, balse cid kula xisaabtamaysaaba ay iska yartahay.




Arrinta laakiinse muransiinaysa ayaa ah mugdi dhinaca qeexitaanka sharciga ah oo  daliil u furaysa mid walba, taasoo ka timi khaladdaad badan iyo is-khilaaf ka dhex muuqda Xeerka maamulka Dhulka oo ay xukuumaddii Rayaale samaysay markii ay dawladdaha hoose ka xakamaynaysay Dhulka Danta Guud si aanay uga boobin.




Gobanimonews




Hargeysa Office