Friday, March 14, 2014

Hargeysa: C.I.D-da oo xidhay Nin Qoraa ah


GahayrHargeysa(GNA)-Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ka mid ah Macalimiinta iyo Qorayaasha Somaliland, ayaa cabasho ka muujiyey Tacadi uu sheegay inay kula kaceen ciidamada dambi-baadhista ee Magaalada Hargeysa.




Siciid oo ah Qoraaga Buugga Samo-talis ee laga qoray Oday Xaaji Cabdi-kariin Xuseen (Cabdiwaraabe), ayaa sidoo kale ka mida Dadka inta badan wax ka qora arrimaha Bulshada iyo Taariikhda dadka saameynta ku leh bulshada Somalilnd dhexdeeda.




Qoraaga ayaa xidhiidh dhanka Taleefoonka ah oo uu la soosameeyay Somalilandtoday, ku sheegay in ciidamada CID-du muddo afar saacadood ah ay ku xidheen xaruntooda Hargeysa, isla-markaana uu dhaawacyo gaadhsiiyey askari gaadh ka hayey maxaabiis lala xidhay isla-markaana uu budh kala daalay.




Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa sheegay in ciidamadu xidheen, ka dib markii uu xaruntooda CID-da u tagay inuu u gudbiyo dacwad ka dhaxaysa isaga iyo dad kale, balse hadallada oo ka taagtaagmay isaga iyo ciidamada CID-da awgeed ay xidheen, isla-markaana uu muddo afar saacadood u xidhnaa.




ma sheegin waxa ay ahayd dacwadda uu markii hore meesha u tagay, hasa-yeeshee waxa uu sheegay inuu dhaawacyo ka soo gaadheen budh uu sheegay in askarigii ku qornaa albaabka qolka maxaabiistu uu la dhacay. Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa ka mid ah qorayaasha iyo bahda Macalimiinta Somaliland.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka C.I.D-da ee laga cawday, balse Dhibaatooyinka ay inta badan ciidanka amniga kala kulmaan dadweynuhu marka ay dacwadaha u gudbiyaan ayaa ah handidaad joogto ah oo ka dhacda Saldhigyada Bilayska iyo goobaha kale ee Hay’addaha nabad-gelyada, taasoo u baahan in wax laga qabto