London(GNA)-Afar qof ayaa ku dhintay Shil diyaaraddeed Norfolk ee Bariga Magaaladda London Caawa, ka dib markii Diyaarad Helicopter ah kula dhecday meel xaafaddo dhexdood ah tuulada De Jong.
Sida laga soo xigtay Kooxaha adeegyada gurmadka degdegga ah Booliska oo markii ugu horraysay loo sheegay dhacdadan oo timi markii ugu horaysay deegaankan.
Booliska ayaa xaqiijiyay in diyaarad ay saarnaayeen dad rayid ah.
Afhayeenka EEAST oo ka hadlay Shilkan ayaa yidhi " Waxaa wax laga xumaado , waxaa la rumeysan yahay in afar qof oo helikobtarka ku geeriyoodeen, qayladda Ambulance ayaa hadda istaagay”ayuu yiri.
Waxaanu sarkaalkani tasi u diray qoyskii iyo saaxiibadii kuwa nafahooda ku waayey caawa shilka.
Dhakhaatiir iyo ilaa shan Gaadhi oo Ambulance ah ayaa loo diray goobta.
Roland Bronk , oo ah milkiilaha Hudheelka Swan House iyo makhaayad Beccles oo u dhow meesha shilku ka dhacay ayaa sheegay inay maqleen Macaamiisha oo qaylinaysa, markii ay diyaaraddu soo dhacday.
Ma kala cadda ilaa hada sababta shilkaasi dhalisay, dadka ku dhaawacmay iyo waliba kuwa dhintay inay dhamaantood u dhasheen dalka Uk iyo in kale.
Mid ka mida Dad goob-joogeyaal ahaa markii shilku dhacay ayaa barta Twitter-ka ku sheegay in diyaaradu ku soo dhacday meel wax yar u jirta Gurigiisa.
Cirka ayaa Ceeryaamo lahaa markii Diyaaraddu soo dhacday ayay yidhaahdeen dadka deegaanku.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com