Xudur(GNA)-Sheikh Yaasiin Axmed Maxamed oo Gudaha Al-Shabaab looga yaqaanay Sheekh Bismilaahi oo ahaana Madaxii Dacwadda Xaraladdaas, ee gobolka Bakool ayaa isu soo dhiibay ciidamada Dowlada ee k u sugan Deg mada Xudur , xili halkaasi laga saaray kooxdiisa.
Ninkan ayaa baaq u diray saaxiibadiisa kale ee ku hadhay Al-shabaab, waxaanu u soo jeediyay inay iskaga soo baxaan duurka iyo dagaalka.
Sheikh Bismilaah oo la hadlay mid ka mida Ideecaddaha Muqdisho, ayaa sheegay inuu dawladda Soomaaliya ka filayo soo dhaweyn, isaguna wixii shaqo looga baahdo uu la qabanayo.
Halkan ka dhegeyso Waraysi lala yeeshay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/AUDIO_4B6371-D26B80-B20A75-13753C-29FAB5-154500.mp3"][/audio]