Friday, March 14, 2014

Al-shabaab oo Cajalad Video ah ku xayeysiiyay Dagaalyahano Ajaanib ah oo ku soo biiray.Daawo


Weerar Xalay ay Muqdisho ku qaadeen iyo Magacyo cusub oo kuwii hore ka duwan oo kooxdu dhoola-tus ku soo bandhigtay..Hoos ka Daawo Muuqaal Dheer




 AjaanibkaMuqdisho(GNA)-Ururka Al-shabaab ayaa  sheegtay weeraro habeenkii xalay lagu qaaday Saldhigyo Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin dhismaha warshaddii Barafuunka ee degmada Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha.




Warbaahinta Xarakadda Alshabaab ayaa ku warantay in Dagaalyahanadda Kooxdu qaaday weerarradaasi  taxane ka dhigaya kuwo kale oo habeen hore lagu qaaday Saldhigyo Bilays oo ku yaala Degmada Dayniile.




Dad goob-joogeyaal ayaa ku waramay inay daryanka noocyada kala duwan ee hubka maqlayeen, waxaanay ka dayriyeen xaaladda.




Warbaahinta qaar ayaa Dagaalka xalay ku tilmaamay mid aad u culus oo ay labada dhinac si foolka fool ah isaga horyimaadeen.




Laakiinse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Huwanta ah iyo Al-shabaab toona.




Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa markii ugu horaysay soo bandhigay Dagaalyahano ajaanib ah oo cusub, kuwaasoo ka qayb qaadanaya dagaaladda ay kula jiraan Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.




Muqaal Video ah oo ay ku baahiyeen Mareegaha YUTUBE-ka, ayaa laga dhex arkayay tiro Dagaalyahano ah oo Dhoolatus ku sameeyay deegaanada ay Ururku degenyihiin, kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil isugu jira Kenyaati iyo Cadaan loo malaynayo inay ka yimaadeen Waddamada Asia.




Qaar ka mida raga Ajaanibka ah ee Ururku soo bandhigay oo muuqaalka ka hadlaya ayaa ku hadlaya Luuqado kala duwan oo Sawaaxiligu ka mid yahay, waxaanay wacad ku mareen inay la jihaadi doonaan waxa ay ugu yeedheen Gaaladda ku soo duushay Soomaaliya.




Cutubyada ay shisheeyuhu ka dhex muuqdaan ee Al-shabaab ayaa magacooda lagu sheegay Moments 3, kaasoo ah magac ku cusub ururka dhexdiisa.




Ururka Al-shabaab ayaa xidhiidh la leh Shabakadda Al-qaacida , waxaana sanadihii la soo dhaafay ka garab dagaalamayay dagaalyahano tiro badan oo la rumaysanyahay inay Ajaanib yihiin, kuwaasoo uu ka mid ahaa Sarkaal u dhashay Waddanka Maraykanka oo  dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay lagu dilay Gobolka Bay.




Cumar Shafiiq Al-xamaami oo gudaha Kooxda looga yaqaanay Abu-maansoor Al-ameriki, ayaa meel u dhaw Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay lagu dilay 12 Bishii September, ka dib markii uu iska horimaad dhex maray dabley la socotay iyo Dagaalyahano taabacsan Hogaamiyaha Al-shabaab oo lagu amray inay soo qabtaan Ameriki iyo Saraakiil kale oo Khilaaf soo kala dhex galay Axmed Cabdi Godane.




Dhaqdhaqaaqyada Ururku ka samaynayo Deegaamada gacanta ugu jira wali, dagaalada uu kula jiro Huwanta Dawladda iyo weeraradda uu Caasimadda ka fulinayo ayaa muujinaysa inuu dib u soo kabasho dhanka Milateriga ah helay.




Halkan ka Daawo Muuqaalka lagu Xayeysiiyay Dagaalyahanada ajaanibka ah ee Al-shabaab ku soo biiray:


http://www.youtube.com/watch?v=geNZ1Q60_TA


Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com