Friday, March 14, 2014

ka Jawaab Fariintan Naxdinta leh oo u Gargaar Hooyadan Xanuunsanaysa.Daawo


Hooyo, Sahra Ibraahim Jaamac waxay degentahay Magaalada Burco, waxaana haleelay cudurka Kansarka oo Naaska Midig ka asiibay, kaasoo halis ku haya nafteeda, sida aad muuqaalka hoose ka arki doonto.




Sahra oo ah Macalimad wax ka dhigta Dugsi Maxamuud Axmed Cali ee Magaalada Burco, kana mid ah Macalimiinta Dawladda, ayaa sheegtay inay wax taakulo ah ka wayday Dawladda ay u shaqayso, khaasatan wasaaraddada waxbarashada ee ay ka tirsantahay.




waxay sheegtay inaanay haysan wax dhaqaale ah oo ay dhakhtar dibada ah ku aado, ka dib markii Dhaqaatiirta Gudaha Somaliland waxba ka qaban kari waayeen.hadaba akhristiye markaad muuqaalkan daawato u gargaar hooyadan xaaladdu haysato:


http://www.youtube.com/watch?v=psOYfk88cP8#t=79