Friday, March 14, 2014

Dadwaynaha Reer Awdal Ee Dalka Dibadiisa iyo Gudahiisa Oo Dareen Cadho Leh Ka Muujiyay Sababta Loo Xusiwaayay Dadkii Sababta U Lahaa Dhamaystirka Wadada Boorama Iyo Dilla


Boorama-(GNA)-Dhawaan ayay ahayd markii munaasabad balaadhan oo loogu wanqalayay wadada laamiga ah ee isku xidhaysa Boorama iyo dila faraha laga qaaday taas oo mudo sannado ah hawsheedu si habsamiya u socotay.




Waddadan oo soo martay marxalado kala duwan ayaa bilowgeedii waxaa sabab u ahaa dadwaynaha ku dhaqan dalka dibadiisa iyo gudahiisa ee ka soo jeeda Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley gaar ahaan ardayda wax ka barata dusiyada Hoose,Dhexe ,Sare iyo jaamacaddaha Gobolka Ku Yaala.




Intaas oo iskaashanaya ayaa waxa ay ka dhabeeyeen in ay 3Km ee ugu horeeyay ee goglaan wado laamiya oo ahayd bilowgii wadadan dhawaan loo wanqalay.




Hadaba iyada oo sidaasi jirto dadwaynaha badankooduna ogsoonyihiin ayna sugayeen in maalintan oo kale ee wanqalka ah la xuso ayaa waxaa dhacday arin ka duwaan taas oo dadwayne badan anfariir iyo yaxyax ku abuurtay.




Munaasabadii wanqalka ee ay soo agaasimeen ururkan gacanta wadada ku hayay ee asarda mas’uuliyiintii u hadlaysay iyo kuwii xidhiidhinayay ayaa  waxa ay iska iloobeen in ay xusaan ama u mahadnaqaan dadwaynihii reer Awdal ahaa ee sababt u ahaa in wadadani la dhamaystiro amaan wayna kula dulkufay Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.




Runtii waa mid meesha taala in si wayn loo amaano Madaxwaynaha Qaranka Somaliland Dr.Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waana mid ku waajib ah cid walo oo sheegata ama u aftirsata goboladan Awdal/Selel iyo Gabiley maadaama uu yahay Madaxwaynihii ama mas’uulkii u horeeyay ee wado laamiya oo isku xidha Boorama iiyo Soomaaliland inteeda kale uu isagu sameeyo taasna waxa uu ku mudan yahay isaga iyo xukuumadiisa in amaan iyo mahadnaq faraqa loo buuxiyo.




Marka intaas laga yimaado waxaa ay dadwaynuhu is waydiinayaan,Sababta ay mas’uuliyiinta Asarda ku hadlayay Magacooda ay marna u xusi waayeen ama ugu mahadnaqi waayeen,Ardaydii biriigooda u horey bilowga wadadaas,sidoo kale jaaliyadihii iyo ururadii dalka dibadiisa iyo gudahiisa deeqaha lacageed ee wax ku oolka ah ka soo diray ee ka soo jeeday goboladan Awdal/Selel iyo Gabiley Loo Xusi waayay, Saxaafadii Localka ahayd ee hadh iyo habeenba la garab taagnayd ASARDA Hiil iiyo hooba iyadna loo xusi waayay,Raggii kale ee Ama ku riyooday ama dhaqaajiyayna sida C/qaadir Aadam Nuur ,Maamo Basra Jirde Shiil Iyo Prof Xasan Cali Cismaan Iyo Sidoo kale ragii dhinacyada la qabtay ee ururka intooda kale ahayd iyagna loo xusi waayay.




Intaas oo dhan marka laga yimaado dhacdadaasi waxa ay ahayd mid runtii dadwaynaha iyo dadka dareenka leh ku dhalisay mid ay ka xumaadaan iyaga oo Sannado badan sugayay in maalintan oo kale lagu xuso taariikhdana ay ku galaan.http://www.gobanimonews.com/wp-admin/post-new.php




Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa looga fadhiyaa Mas’uuliyiinta Ururka ASARDA Madax iyo Mijo in ay Jawaab iyo raaligalin ka bixiyaan ku aadan dhacdadan ay qoonsadeen dadka aan kor ku soo xusnay.”




Gobanimo news




Borama office