Tuesday, March 25, 2014

Dhacdo Ugub ah M/Q:Abdiqani Eid Elmi


Waxay ahayd goor fiid ah roobna uu da’ayo daadkuna uu aad u rogmanayo, aad ayaan u daalanaa waayo saaka markii aan soo toosay waxa aan u kicitimay Dhinacaa iyo saldhig boolis oo ii dhawaa si aan u soo samaysto Bolis rejistarayshan ama (police registration) run ahaantiina hawl aad u dheer kadib oo iga qaadatay dhawr saac waa aan dhamaystay hawshii aan u imid saldhiga illahay fadligii.




 




Gaadhi kiro ah ayaa aan qaatay waxa aanan u kicitimay mar labaad jihadii uu iga xigay suuqu aniga oo naawilaya in aan soo furto kaadh aan ku isticmaalo mobileka ama (semi card) run ahaantiina safar dheer kadib waan soo furtay, shaqadayda sadexaad uguna dambaysa ayaa waxa ay ahayd in aan soo shubo lacagtii jaamacada si aan  u bilaabo dhigashada jaamacadayda, waxa aan rajaynayay in aan hawlo dhawr ah soo dhameeyo, hase ahaatee caadada dalka aan joogo ayaan saamaxahaynin in aad maalin kali ah aad hawlo badan qabato.




 




Daal badan kadib waxa aan ku noqoday hostelkii aan dagenaa wakhti yar kadib waxa I soo wacay lamber aanan garonahayan sheeko gaabn oo na dhexmartay kadibna waxa aan ogaaday in aan balan lahaa, blankaas oo ahaa in aan arday jayniis ah ama ( arday ka soo jeeda dalka Chine)  imtixaan dhinaca quraanka ah ka qaado  aniga iyo dhawr Xaafidu Quraaan oo kale waxa aan dib u xidhay dharkii waanan ka baxay qolkaygii aniga oo u jihaystay halkii balanku ahaa waxa aan sii dhex qaaday roob iyo daad aad u qulqulaya socod dheer kadibna waa aan gaadhay halkii balantayadu ahayd, mudo yar kadib waxa aan bilawnay aniga iyo Xufaadi kale in aanu qaadno imtixaankii anago oo ardeywalba hal sua’aal waydiinay mudo dheer oo uu noo socday imtixankii waxa la soo gaadhay gabogabadii imtixaanka, waana markii aanu aragnay dhacdadii ugu yaabka badnayd oo hayd in ardaygii aanu imtixaanka ka qaadaynay ee ugu dambeeyay oo gabadhiisi ama haweenaydiisu ay umulaysay cida kali ah ee u wehel ahina uu ahaa isaga waayo waa arday waliba aan joogin dalkoodii hooyo oo jooga Pakistan oo aad u dhib badan waxaanay ahayd dhacdadii ugu ugubsanayd ee aan arko intii aan ku sugnaa dalkan.




 




 




 




Abdiqani Eid Elmi.




 




Cab_dir@hotmail.com