Tuesday, March 25, 2014

Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay In Somaliland Garab Siiso Kooxda Al-Shabaab Ee Galgala!


Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa maanta ka dhawaajiyey in Somaliland garab siiyo Ururka Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis.




Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hadalkan ka sheegay kulan u kula yeeshay aqalka Madaxtooyada Odayaasha iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan magaaladda Boosaaso.




 




Hadalkan oo aan loo ogolaan in Saxaafadu cod iyo muuqaal ahaan u duubtaan balse Madaxweynuhu codsaday in aan la duubin ayuu Xubnihii kulanka uu la qaatay u sheegay in kooxdu dhanka Somaliland kasoo gasho Puntland.




 




Dr Gaas ayaa xusay iney ka warhayaan Taageerada uu Somaliland siiyo Ururka Al-Shabaab arrintaasna ay la socodsiinayaan beesha Caalamka gacansiinta Al-Shabaab.




 




Maamulkii hore ee Madaxweyne Faroole ayaa Somaliland ku eedeeysay marar badan iney taageero dhan kasta ah siiso sida Isgaarsiinta.sahayda iyo saanada milateri.




Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland wakhtigan Siciid Xasan Shire oo Xukuumadii Faroole ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa dagaal ay la gashay Puntland ,kooxda Al-Shabaab sheegay in Somaliland qeyb ka ahayd.




 




Wuxuu sheegay xiligaas in 70-kamid ah ciidamada Somaliland ka barbar dagaalameen Ururka Al-Shabaab ee ku sugan Buuraleyda Galgala,isagoona xusay in si dhow ula socdeen.




 




Xiisada u dhaxeysa Puntland Iyo Somaliland ayaa u dhaxeysa deegaanada laba dhica kala sheeganayaan,waxaana carada ugu weyn ka dhalatay ka dib markii Todobaad ka hore Madaxweynaha Somaliland gaaray degmada Laasqpray.