wax ka baro Kansarka Naaska:
Ugu horeyn unugyada naasku ka kooban yahey aynu kala barano : unugyada uu ka kooban yahey naasku wey isku cufanyihin waxayna kala yihin: cad iyo unugyada jirka isku xidha, sido kale wuxu uu u sameysanyahy gobol gobol ka kooban tuubooyinka caanaha soo qaada.
kansarka naaska ku dhaca ayaa noqdey kansarka ugu badan ee laga helo wadanka maraykanka,ugu yaraan tiro ah sideedii qof ee dumar ahba mid ayaa laga helaa kancerka Naaska. Waxa dhabta ah ee sababa lama ogaan ilaa hada laakiin waxa la xaqiijiyey in arrimo dhawr ah iska kaashadaan cudurka kansarka naaska kuwaas oo kala ah: hidde sidaha oo laga dhexlo waalidka,deegaanka iyo Hormoonada qaar kood aya ka qeyb qaaata.
Intaa ka dib A: waa Maxay Kansarka Naasku ? waa barar ama nooc ka mid ah kaankarda oo keena helis dhimasho ,wuxuuna ka so bilaabma unugyada Naaska. Sida badan waxa uu ku dhacaa dumark,xaga raga tiro yar uu ku dhaco.qormadeenan waxan kaga hadli doona ka dumarka ku dhaca oo ah ka ugu badan ee la arko.
B:Noocyada kala duwan ee kaankarada Naaska:
Noocyo badan ayuu leeyahay cudurkan,laakiin kuwa ugu badan ee la arko waxa weeye:
1:Invasive ductal carcinoma: waxa uu ka bilaabma tuubo ka mid tuubooyinka naaska isagoo ku si fida unugyada ku hareereysan, 80% kaankarada naasku waa noocan.
2:invasive lobular carcinoma: kani waxa uu ka Bilaamaa qanjidhada naaska ee caanaha soo daaya.qiyaas ahaan 10% kaankarada naasku wa kan.
3:ductal carcinoma in situ: kanina waxa uu ka bilaabma unugyo aan caadi aheyn ayaa ku fida tuubooyinka naaska ,laakiin weerar kuma qaado unugyada jaarka la ah,markaa kan daaweyntiisu wey fududahay.
C:Maxaa keena kansarka naasaha?
Waxaa jira arrimo badan oo keena kansarka naaska waxaana ay kala yihiin:
1:Age ama Da’da bukaanka: mar wal oo qofku da’diisu weynaato kaankarada naaska ayuu nugul u yahey.
2:dhaxal laga dhaxlo waalidka
3:dhiiga caadada: waxa u nugul dumarka dhiiga caadada ku yeesha da’ ka yar 12 jir ama dhiiga caadadu usii socdo da’ ka weyn 55 jir.
4:dumarka cadaanka ayuu ku badan yahay,laakin marka uu ku dhaco dumarka maraykanka ama africanka khatartiisa aya badan.
5:unugyada naaska: Hooyada unugyada naaska cufan leh ayuu ku badanyahay.
6:Hooyada aan caruur dhalin ama ilmaha koowaad ku dhasha 30 jirka aya unugul.
7:Naas nuujinta: hooyada ilmaheeda naaska nuujisa 1 sanno iyo dheeraad kuma dhaco badana cudurkan,waa sida diinteeno ina fareyso in caruurta la naas nuujiyo laba sanno.
8:buurnida saaidka ah ayaa iyaduna ka qeyb qaadata kaankarada naaska
9:isticmaalka daawooyinka dhalmada ka hortaga ayaa keena cudurkan.
10: cabida Alcohosha ama khamrada.
11:jimicisga ayaa yareeya cudurkan ,waliba marka hooyado dhiiiga caadada joojiso.
D: Calaamadaha kaankarada Naaska: Calaamadda ugu badan ee kansarka naasaha, waa buro cusub oo kaso baxda naaska. Intaa waxaa dheer, kuwa soo socda ay yihiin Calaamadaha suurtogalka ah ee kansarka naasaha:
_dheecaan laga soo daayo ibta ama Caarada naaska ama ibta oo casaata.
_xanuun laga dareemo naaska ama ibta.
_Barar qayb ka mid ah naaska ama dalool yar oo ku sameysma maqaarka naaska ka sareeya.
E: sidee lagu ogaadaa kaankarada naaska(Baadhitaanka)?
Waxa lagu ogaan karaa kansarka naaska marka la arko calaamadaha aan kor kusoo xusney.waxa kale oo lagu ogaadaa qalabka loo yaqaan (mammography) isagoo shegei kara kansarka naaska wakhti hore inta ayna calaamadahan aan soo xusney ayna kazoo muuqanba bukaanka.waxa kale oo uu ururka kaankarada ee maraykanku ku taliyey in gabadh wal oo 40 jir gaadhey isku baadho qalabkan sanad walba.
F: daawenta kansarka Naaska:
Fursadaha daaweynta kaankarada naasku wey badantahay.daaweyntuna waxaey ka dhalataa nooca kaankarada iyo xaddiga uu marayao.fursada daaweyntu waxey kala yihiin:
1:qaliinka (surgery): qaliin lagu sameeyo naaska, wuxuuna u kala baxa laba nooc oo midna naaska gabi ahaanba la jarayo(mastectomy) iyo mid qaybta ama inta uu kansarku haleelay uun la jarayo (Breast conserving surgery).
2: (radiation therapy) : in lagu baabiiyo unugyada naaska ee kaankarada qaba x_ray ama Raajato.
3:( chemo therapy): waxa weeye daawooyin ayaa dhiiga bukaanka la raacinya kuwaaw oo burbirnaya unugyada kaankarada qaba.
4: (Hormone therapy) : hormoneka loo yaqaan (estrogen) oo ka qeyb qaata kaankarada ayaa laga xidhaya inuu fal galo unugyada naaska.
Bukaanku waa inoo dhakhso daawooyinkan u qaataa ,waxa uusii noolaan karaa qiyaas ahaan 5 sanno ka dib wakhtiga u yeeshay cudurkan.
E: Ka Hortaga kaankarada naaska:
Ma jirto ka hortag toos ah oo looga hortagi karo, laakiin guud ahaan waxa yareeya khatarta waxa ka mid ah: jimicsiga iyo miisanka badan oo la iska ilaaliyo , wakhti hore oo dhakhtar loo tago waxa ka caawin karta in hore loo daweeyo .
_Ugu dambeynti qormadan waxan ku soo xidhi doonaa in laga qeyb qaato caawinta Hooyo, Sahra Ibraahim Jaamac waxay degentahay Magaalada Burco, waxaana haleelay cudurka Kansarka oo Naaska Midig ka asiibay, kaasoo halis ku haya nafteeda, sida aad muuqaalka hoose ka arki doonto.
Sahra oo ah Macalimad wax ka dhigta Dugsi Maxamuud Axmed Cali ee Magaalada Burco, kana mid ah Macalimiinta Dawladda, ayaa sheegtay inay wax taakulo ah ka wayday Dawladda ay u shaqayso, khaasatan wasaaraddada waxbarashada ee ay ka tirsantahay.
waxay sheegtay inaanay haysan wax dhaqaale ah oo ay dhakhtar dibada ah ku aado, ka dib markii Dhaqaatiirta Gudaha Somaliland waxba ka qaban kari waayeen hadaba akhristiye markaad muuqaalkan daawato u gargaar hooyadan xaaladdu haysato:
Daawo Hooyo uu ku dhacay Kansarka Naasku oo Burco ku dayacan, taasoo caawimo inooga baahan dhamaanteen:
https://www.youtube.com/watch?v=psOYfk88cP8#t=50
_Diyaarintii: Dr Abdillahi ahmed yaasiin
_ Khartoum state
_department medical science in the international university of africa