Muqdisho(GNA)-Guddoomiyihii Bangiga Somaliya, Yusur Abrar,taasoo todobaad ka hor Iska casishay xilka ayaa Sheegtay inay xilka uga tagtay caqabado ka soo waajahay kooxo doonayay inay ku khasbaan in loo saxeexo Mashaariic lacag badan ku kacay.
Yusuf Abraar oo ahayd haweeneydii ugu horreysay oo xilkan loo magacaabo ayaa xilka haysay muddo bilk a yar, waxaanay iscasilaadeedu lama filaan iyo dareen ku abuurtay bulshada somalida ah iyo dawladdah Cilaaqaadku ka dhexeeyo DFS.
“Waxay isku dayeen inay igu qasbaan inaan u saxiixo mashaariic ay lacago malaayiin doollar ah ku baxayso, taasoo igu dhiirrigelisay inaan is-casilaad ku dhawaaqo,” ayay tiri Yusur oo u warantay Allafrica.
Sidoo kale, waxay sheegtay in tan iyo markii la magacaabay ay wal-wal ka qabtay saxeexyada heshiisyada gaark ah, kuwaasoo ay sheegtay inay mar walba ogeyd inay yihiin kuwo aad u adag.
Warar soo baxayay markii ay go’aanka gaadhay ayaa tibaaxayay in loogu Hanjabay inay qasab ku ogolaato, sii deynta mashaariic mugdi badani ku jiro, waxaana Qaar ka mid ah saraakiisha Soomaalida laga soo xigtay in Yusur ay ka baxsatay caga-juleyn kaga timid ganacsato ay si aad ah isugu dhowr yihiin madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
“Raggan waxay xidhiidh leeyihiin madaxweynaha,” ayaa lagu yiri warbixinno kale oo lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida.
Ganacsadeyaal lagu sheegay inay gacansaar la leeyihiin Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno ka mid ah aqalka Madaxtooayda ayaa lagu tilmaamay kuwa Yusur Abraar Cabsidu kala soo deristay, kuwaasoo Olole ugu jira loo soo wareejin lahaa lacagta somaliya eek u jirta Bangiyada Caalamka, dabadeedna u lunsan lahaayeen.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa maanta sheegay in kulan ay isaga iyo madaxweynaha Somalia la yeesheen xubno ka socday dalalka deeq-bixiyeyaasha su’aalihii la weydiiyay ay ka mid ahayd sababtii ay isku casishay guddoomiyihii bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Dawlada Somaliya ayaa Doodda ka taagan Iscasilaada Guddoomiyaba bangiga ku micnaysay wax aan macno badan u samaynayn oo danta qaranku kala weyntahay.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya ahna la taliyaha Madaxweynaha Eng, Cabdraxmaan Yiriisow, ayaa go’aanka Guddoomiye yusur ku tilmaamay arrin ilaa hada daliil cad ama wax lagu sarifo aan la garanayn, balse qofka masuulka ahi xaq u leeyahay inuu shaqada ka tago.
“qofku xaq buu u leeyahay inuu is casilo ama shaqo ka tago, wax cusub ma aha. Qof Xil weyn lagu aaminay oo 3 cisho xafiis joogay oo ka tagay maxaa lagu micneyn karaa?”ayuu Gobanimonews u sheegay Eng. Cabdiraxmaan Yiriisow.
Afhayeenka Madaxtooyada somaliya ayaa sheegay inay dawladda ka go’antahay dar-dar gelinta hawlaha qaranka, wax saamayn ahna aanay ku yeelayn arintani qorshaha dawladda federaalka eek u aadan gaadhista Himiladda qaranka .
“Dowladda waa ka go'an tahay in la sii dardargeliyo howlaha Qaranka. Shaqsiga xilka ka tagey waa shaqsi oo Qarankaa ka weyn.”ayuu yidhi.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com