” Runtii Dareenka aad qabtaan waan idinla qabaa, inbadan ayeynu suganey qabsoomida xafladani, inabadana dib ayey inooga dhacdey,waxaan la noo sheegay ina bisha 30keena ay jadwalka ugu jirto bisha 27keedna uu furayo xafiiskii weynaa ."ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadu.+ Sawirro...
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha jamacada Tima-ade university DR cismaan aw yuusuf magan waxaanu ka dhawaajiyey inaan mardanbe dib loo dhigidoonin hadii ay sababtida
dhaafto waxaanu yidhi” Runtii Dareenka aad qabtaan waan idinla qabaa, inbadan ayeynu suganey qabsoomida xafladani, inabadana dib ayey inooga dhacdey, runtii balanteenu waxay ahayda 27ka bishan,laakiin waxaanu mqalney ina madaxweynihii uu xaflada ka qayb galayo xaley baanu aniga iyo badhasaabkuba aanu utagney
madaxtooyadasi aanu usoo xaqiijino arintaasi, waxaan la noo sheegay ina bisha 30keena ay jadwalka ugu jirto bisha 27keedna uu furayo xafiiskii weynaa eeQaramada midoobay oo loo sooo rarayo hargeysa, Runtii maxdaxweynuhu aad buu inoo daneynaa waxaanu yidhi aniga mooyee cidkale oo tageysaa ma jirto, anigu cidkaliya ee aan daneynayaa waa ardeydeyda,.”ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadu
Baadhasaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi oo halkaasi ka Hadley ayaa damaanadaqaadey ina maalinta sabtida madaxweynuhu imanayo waxaanu yidhi” yaan been la idiin sheegin oo la idin odhan madaxweynihii ayaa idin diidey, wuxuu idinka jecel yahayba ma jirto, runtii xaley aad buu diinku hanweynaa, waxaanu balan qaadey inaan xaflada la,aantii aan la qabaneyna, waxaan noo cadeeyey ina maalinta arbacada uu kujiro hawl qaran isla markaan aaney suurtoobayna inuu yimaado gabiley, waxaanu noo sheegay ina uu imandoono maalinta sabtida ah, maalintaas ay xafladu dhacayso.”ayuu yidhi badhasabka gobolka gabiley.
Markii kulankaasi dhamaadey ayaa ardeydii markaliya ku dhawaaqeen inay aqbaleen dalabka madaxweynaha, waxaaney balanqaadeen inay soo dhaweyn layaab leh ku qaabili doonaan maalintaasi,
Maah markii ugu horeysay ee xafladni dib loo dhigo sadex jeer ooh ore ayaa dib logu dhigey dalabka yimid madaxweynaha Somaliland, hawlaha uu qaranka u hayo uu usaaximi waayey awgeed.
Wariye Mustafe Caraale
Gobanimo news.com
Gabilay office