24.11.2013 (GNA) -Madaxweyne Obama ayaa sheegay in markii ugu horaysay toban sanadood, barnaamijka nukliyeerka Iran la hakiyay.
Heshiiskan ayay Iran ku balanqaaday inay dhinto kaydkeeda tayeenta macdanta uraniyamka, oo loo isticmaali karo hubka nukliyeerka. Iran ayaa cuna qabataynta qaar laga qaadayaa hadii ay fuliso heshiiska.
Heshiiska ayaa socon doona lix bilood, isagoo waqti siinaya wadahadalo heshiis waqti dheer.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Maxamed Javad Zarif, ayaa sheegay in la aqoonsaday xaqa uu waddankiisa u leeyahay tayeenta Uraniyamka. Laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay inaan la aqoonsan.
Heshiiska:
Hesiiska kumeelgaarka, Iran waxay ogolaatay inay joojiso tayeenta Uraniyamka wixii ka sareeya shan boqolkiiba.
In ay qafiifiso uraniyamka ay tayaysay ee gaaraya boqolkiiba labaatan iyo shan, taasoo ah aasaaska hubka nukliyeerka.
Waxay kaloo aqbashay inay joojinayso horumarinta awooda ay ku tayaynayso uraniumka, sida inaysan samaysan qaboojiyayaal kale.
Inay joojiso horumarka ay ka samaynayso saldhigeeda nukliyeerka ee Arak, iyo inay ogolaato kormeerida hayadda atoomikada ee IAEA.
Hadii ay fuliso heshiiska Iran, waxay reer galbeedka u ogolaan doonaan in si kumeelgaar ah looga dabciyo cunaqabataynta qasaaraha wayn u gaysatay dhaqaalaha Iran
Israel:
Raiisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa ugu yeeray heshiiska qalad taariikhi ah. Isagoo la hadlaaya wasiiradiisa, ayuu sheegay in dowladda adduunka ugu qatarsan inay qaaday
talaabo muhiim ah oo ay ku yeelato hubka adduunka ugu qatarsan. Netanyahu wuxuu sheegay in Israel aan lagu qasbi karin heshiiska, ayna leedahay xaqa inay is difaacdo.
Xigasho bbc
Gobanimonews agency