Sunday, November 24, 2013

Masar oo Eriday Safiirka Turkiga


Qaahira(GNA)-Dawladda Mileteriga ku tiirsan ee Masar ayaa amartay safiirka Turki inuu ka baxo waddanka iyo in la dhimo xiriirka dimlomaasi ee labada waddan, iyadoo ka soo horjeeda taageerada Turkiga ee madaxweynihii xukunka laga qaaday ee Maxamed Morsi.




Wasaarada arrimaha dibadda, ayaa cambaaraysay baaqii ugu danbeeyay ee Raiisalwasaaraha Turki Recep Tayyip Erdogan uu ku baaqay in la sii daayo Mr Morsi.




Turkiga ayaa tan iyo markii Morsi la riday walaac badan ka qabay xaalada dalka masar, waxaanu ku tilmaamay talaabada Milateriga Masar qaaday mid sharci daro ah.




Maamulka Masar waxay sheegeen in hadalkiisa uu muujinayo ka soo horjeed waxa ay rabaan dadka reer Masar.




Wasaarada arrimaha dibadda ee Masar, ayaa sheegtay in Turki ay mar dhow qaadi doonto talaabo la mid ah tan Masar ay qaaday.