Hargeysa(GNA)-Xoghayihii Guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Axmed –kayse Aadan Ismaaciil, ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu xisbigaasi ka hayay.
Axmed-kayse ayaa ka mid ahaa xubnihii dhawaan xisbiga kula soo biiray Musharax madaxweynaha ee Xisbigaasi, kana soo guuray xisbigii udub ee Bur-buray.
Xukuumadii Rayaale ayuu ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda markii ugu dambeysay.
Mar uu Maanta kula hadlay Saxaafadda Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay inuu xilkaasi isaga casilay maamul xumo soo foodsaartay xisbigiisa.
Axmedkaysa ayaa xalay soo saaray qoraal dheer oo uu ku sharaxayo asbaabaha ku kelifay iscasilaada, kaasoo u dhignaa sidan:
“Aniga oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) waxa maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 6 November, 2013 aan ku cadeynayaa qoraalkan hordhaca ah in aan xilkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid iska casilay. Xilkaasi oo la ii magacaabay 12/07/2012 isla markaasina lagu ansixiyay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee Xisbigaasi ee qabsoomay 28/10/2012.
Runtii waxa ay is-casilaadaydu salka ku heysaa ka dib markii aan arkay in Taladii Xisbiga la tahriibiyay oo iyada oo aan jirin wax la isku raacsan yahay ama aan la is qancin lagu dhawaaqay guddi qaban-qaabo oo kala shaqeyn doonta xisbiga kale ee Waddani gudidiisa qabanqaabada shir loogu yeedhay Tallo ama Dood Qaran taariikhdud markay ahay 04/11/2013. Runtii waxa aad moodaa in cid danno gaar ah lihi ay dabada ka riixayaan xisbiyadda mucaaridka oo aad moodo in ay ka ilaalinayaan in ay helaan waqti ku filan si ay uga baaraan degaan ama u lafo guraan TALLADDA SOO DHACDAY ee Madasha Wadatashigu ku wareejiyeen Xisbiyadda Mucaaridka sida ay sheegeen 23/10/2013.
Tallo ama Dood Qaran waxa qaban-qaabadeeda iyo qabashadeedaba leh xukuumadda markaasi talada dalka heysa hadii loo baahdo. Xisbiyadda Mucaaridkuna waxa uu waajibkood iyo mas’uulliyadoodu tahay in ay xukuumadda markaasi jirta ay dhaliilaan weliba dhaliil togan una soo bandhigaan ummadda iyo codbixiyayaasha barnaamij siyaasadeed iyo mid wax-qabad iyo waxa ay kaga fiicnaan karaan xukuumadaasi ay rabaan in ay bedelaan si ay u helaan kalsoonida cod-bixiyayaasha iyo codadkoodaba.
Sida aynu ka baranay dalalka dacfaray dimuqraadiyadda iyo nidaamka asxaabta badan weligay ma arag xisbiyo mucaarid ah oo leh shir qaran ayaa la qabanayaa si loo saxo dhaliilaha xukuumada halka ay ka faa’iideysan lahaayeen dhaliilahaasi oo ay ku kasban lahaayeen codad badan marka ay sheegaan sida ay u saxayaan ama wax uga qabanayaan dhalliilaha xukuumaddaasi.
Haddaba, waxa aan xilkaygii xoghayaha guud iyo hankaygii siyaasadeed u sadqeynayaa iminka in aan xor u noqdo fikirkayga iyo aragtidayda siyaasadeed si aan uga qeyb qaato kaalinta igaga soo aadi doonta badbaadinta qaranka, xisbiyada qaranka iyo dumuqraadiyada JSL. Waxa aan marka denbe ka hadli doonaa halka fikirkani ka yimid iyo maraxaladaha uu soo maray iyo weliba cida aan u arkaayay in ay dabada ka riixaysay Shirka Tallo Qaran. Waxa aan weliba mutihin doona waqtiga ay Xisbiyadda Mucaaridka ee Ucid iyo Wadani ay il duufeen iyo xilliga ay saqiiri doonaan hadii ay masiirkooda iyo tallada xisbiyadooda u daba fadhiistaan dad Suuq Joogayaal ah.
Waxa aan guul iyo gobanimo u rajeynayaa ummadda reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaana bahweynta xisbiga Ucid”ayuu ku yidhi.
Xisbiga UCID ayaa door weyn kaga jira qabanqaabada shirka dooda dhaliyay ee Madasha wada-tashigu Hindistay, kuna soo wareejisay asxaabta mucaaridka ah.
Guddoomiyaha Xisbiga ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka mid ahaa aasaaseyaashii Madasha wada-tashiga, si weyna uga dhex muuqday dhaqdhaqaaqyada daladan oo ay ku midoobeen siyaasiyiin badan.
Aasaaskii Madasha wada-tashiga, ayay Guddoomiye Faysal kula aragti duwaanaayeen Musharaxa xisbigaasi Jamaal Cali, kaasoo ka soo horjeestay farsamo ahaan iyo mabda’ ahaanba ku dhawaaqista Golaha Wadatashiga qaranka.
Iscasilaada Sarkaalkan ayaa hoosta ka xariiqaysa in xisbiga Ucid mar kale isku maandhaafay arrimaha kaga imanaya dhanka Madasha wada-tashiga, hadii aanay gacmo kale oo dhanka xukuumadda ka yimi soo dhex gelin.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hada inta la ogyahay ka soo baxay hogaanka xisbiga, siiba Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii uu Kayse la yimi xisbiga, balse waxa mar walba iska cad inaan laga soo dhaweynayn xisbiga gudihiisa kala jajab iyo khilaaf soo dhex gala xubnaha ugu muhiimsan xisbigaasi.
Hoos ka Daawo Muuqaalka Xoghayaha Iscasilay:
Gobanimonews
Hatgeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com