Muqdisho(GNA)-Maanta ayaa loo balansanaa Doodda Mooshinka Xukuumadda Somaliya ka dhanka ah ee la sheegay in todobaadkii hore loo gudbiyay Guddoonka Golaha shacbiga.
Fadhiga Golaha ayaa markii uu furmay waxa Madasha laga akhriyay Eeddaha xukuumadda loo soo jeediyay iyo qodobada mooshinka loo cuskaday.
Akhrinta qodobada Mooshinka lagu dalbaday ka dib,waxa shir-guddoonka Goluhu naadiyay, islamarkaana magacyadooda ku dhawaaqay Xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay, kuwaasoo sida la sheegay fadhiga aan ka soo xaadirin.
Siyaasiga Cali Maxamed Axmed Cali (Daacuun) oo ka mid ahaa dadkii saaka ka soo qayb-galay Fadhiga, ayaa Gobanimonews u sheegay inay fashilmeen 168 Xildhibaan ee warbaahinta laga sheegay inay Mooshinka soo gudbiyeen “Waxa muuqata inay fashilmeen Xildhibaanadii Warbaahinta laga sheegay inay Mooshinka soo gudbiyeen ee tiradooda lagu sheegay 168, waayo saaka markii eedda loo cuskaday mooshinka la akhriyay ee magacyadoodii laga akhriyay Golaha waa la waayay, taasina waa ayaano daro in umadda lagu jahawareeriyo waxaan soconayn”ayuu sheegay isagoo khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Bogan.
Dhinaca kale, Fadhiga Golaha Shacabka ayaa loo balamay in dib laysugu soo noqdo Maalinta Sabtida ah ee soo socota, markaasoo dib loo eegi doono arrimahan.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com