Kismaayo(GNA)-Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa saaka arroornimadii hore toogasho ku dilay Nin Ganacsade ah Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose, kaasoo la weeraray xili uu Masaajid ka soo baxay.
Ganacsadaha la dilay oo Magaciisa la oran jiray Maxamed Khaliif ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Degmada, mana jirto cid sheegatay dilkiisa.
Kooxihii dilka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday sida ay goob-joogeyaal sheegeen, lamina cadeyn sababta loo dilay.
Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa soo xumaanayay tan iyo bilihii la soo dhaafay, waxaana ka dhacay qul-qulatooyin salka ku hayay arrimo siyaasadeed.
Maamulka ku meel gaadhka ah ee Jubaland iyo Ciidamada dawladda oo ay wehelliyaan kuwa AMISOM ayaa amaanka magaalada gacanta ku haya, balse waxa jira maleeshiyaad ay ku jiraan kuwo al-shabaab ayaa weeraro dibada kaga soo qaaday bilihii la soo dhaafay.
Dilalka qorsheysan ee qof weerarka ah ayaa ah kuwo inta badan xidhiidh la leh arrimo siyaasadeed iyo kuw aano ah.
Gobanimonews
Kismaayo Office