Monday, November 25, 2013

Somaliland: Wefti ka socda Midowga Yurub iyo Uk oo Hargeysa iyo Garoowe isaga guulay


"Weftigan ayaa Maanta Garoowe kaga qayb-galay furitaanka  Mashruuc Midowga yurub ku maal-gelinayo Saddex Milyan oo Doolar lacag gaadhayso"Akhri warbixin 




Hargeysa(GNA) Safiiradda Midawga Yurub iyo Ingiriiska ee Somaliya iyo tobaneeyo dublmaasi oo ka socda dalal kale ayaa maanta maqribkii ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaana soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan Xukuumadda.




Weftigan oo ahaa mid culus ayaa caawa u hoyanaya magaaladda hargeysa waxaanay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda, hase yeeshee Xukuumaddu wax war ah kamay soo saarin socdaalkooda, iyaguna kamay hadlin ujeedka safarkooda.




Weftiga ayaa Maanta Magaalada Garoowe kaga qayb galay furitaanka mashruuc ku kacaya lacag badan oo Midowga Yurub ka fulinayo Puntland, kaasoo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole amaanta,  khuseeyana ka hortaga shaqaaqooyinka Jinsiga iyo ka hortaga daabulka caruurta.




Furitaanka mashruuca oo ah mid balaaran ayaa waxaa ka qayb-galay safiirada midowga Yurub, UK, USA, Itlay. France iyo Austorlia, Hay’ada socdaalka iyo muhaajiriinta dunnida ee IOM ayaa deeganada Puntland ka fulin doonta mashuurcan.




Mashruuca oo ah mid balaaran ayaa Puntland laga hir-gelin doonaa saddexda sano ee soo socota, waxaana ku baxaysa 3 milyan oo dollar oo ay bixinayaan midowga Yurub, sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland Dr. cabdiraxmaan Faroole.




Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa khudbad uu jeediyey, waxaa uu ku sheegay in deeganada Puntland ay ka mid yihiin meelaha ugu wanaagsan ee Soomaaliya ee aan dhibaato loogu geysan dumarka iyo caruurta.




 “Midowga Yurub waan uga mahadcelinaynaa inay nagu taageeraan dhaqaale aan kaga hortagno dhibaatada lagu hayo caruurta iyo haweenka, oo hadal keliya aan wax looga qaban karin.” Ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Faroole.




dhinaca kale, Weftigan ayaa noqonaya kii saddexaad ee heer Caalami ah ee Somaliland soo booqda toddobaadkan oo kali ah, iyadoo ay hore u joogeen safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya iyo Maal-qabeeno Turkish ah.




sidoo kale wefti Ganacsato Shiinaha ka socda ayaa todobaadkii la soo dhaafay booqasho ku yimi Hargeysa, kuwaasii xukuumadda heshiis gaancsi la saxeexday




Wufuudan isku soo beegmay ayaa socdaalkoodu la xidhiidha dhinaca Dublamaasiyadda iyo Maal-gelinta maadaama ay taageero dhinacyo kala duwan ah siiyaan Somaliya iyo Somaliland, laakiinse  waxa jira warar kale oo ku saabsan in la doonayo in dib loo bilaabo bisha December wada hadaladii somaliland iyo somaliya oo la filayo inay sidii hore ka miisaan cuslaadaan.




Wada hadalada ayaa dib uga dhacay bishan oo loo balansanaa, sababo la xidhiidha dalab ka yimi dawladda somaliya oo codsatay in dib loogu dhigo arrimo farsamo oo xiligaasi u socday awgood, khaasatan shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee Muqdisho ka dhacay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com