Sunday, November 24, 2013

Somaliland: Turkiga waxaanu ka wada hadalnay inay Hargeysa qusuliyad ka furtaan”.


Wasiirka arrimaha dibada oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirka Turkigu”Faahfaahin




 HARGEYSA (GNA)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa weftiga uu hogaaminayo safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo  Soomaaliya ambassador Kamaludiin Kanu.




 




 kulankan uu madaxwayne Siilaanyo la yeeshay weftiga ka socda Turkiga oo ka qabsoomay xafiiska madaxwaynaha, ayaa waxa ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici) iyo wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis.




 




 Kulankaasi  oo ahaa mid ay saxaafadu dibada ka joogtay, isla markaana muddo saacado ah qaatay  ayaa la sheegay in labada dhinac ay  kagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Turkiga, sida uu  sheegay wasiirka  Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib warbaahinta la hadlay.




 




Waxa kale oo xusay wasiirku in waxyaabaha kale ee kulankaasi la iskula soo qaaday in ay ka mid ahaayeen   sidii ay ganacsatada Turkigu maalgashi uga samayn lahaayeen gudaha Somaliland  iyo sidii dalka Turkigu Somaliland uga furan lahaayeen Qunsuliyad ama xafiis heer safaaradeed ah.




 




Wasiir  Biixi waxa uu tilmaamay oo kale  in kulanka maanta la iskula qaatay in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.Waxaanu tilmaamay in ay sidoo kale ka wadahadleen arrinta la xidhiidha wadahadladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya.




 




Wasiirku  isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaa maanta farxad wayn noo ah in uu   halkan nala joogo  safiirka Turkiga u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Kamaludiin Kanu  oo booqasho ku yimid  dalka shalay oo ay la socdaan niman badan oo ganacsato ah, waxyaabaha ugu waa wayn ee aanu maanta weftiga Turkiga ka wadahadalnay waxaa ka mid ahaa  sidii ay labada wadan wax u wada qabsan lahaayeen, sida xagga dhaqaalaha, gaacsiga iyo horumarka, caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo sidii ay dawladda Turkigu u kordhin lahayd  deeqaha waxbarashadda. Waxyaabaha kale ee aanu ka wadahadalnay waxaa ka mid ahaa  sidii   aanu hore ugu dhaqaajin lahayn wadahadaladda annaga (Somaliland) iyo Xamar noo socda, waxaanu isla qaadanay in  cilaaqaadka noo dhexeeya Turkiga in la sii xoogeeyo”.




 




Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu  sheegay in safiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ay kulan is afgarad ku dhammaaday la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ballanqaadeen inay iskaashi kala samaynayaan Somaliland horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada , caafimaadka iyo dimuqraadiyadda.




 




Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxyaabaha ay weftigani halkan u yimaadeen  waxa ka mid ah waxay doonayaan in ay  halkan ka furtaan Qunsuliyadoodii anaguna aanu Qunsuliyadayad ama xafiis ka furano magaalladda Ankara ee caasimadda Turkiga, markaa wadahadalo aad iyo aad u fiican ayaanu maanta  wada yeelanay weftiga ka socda Turkiga, aad baanan ugu faraxsanahay, cilaaqaadka naga dhexeeya dawladda Turkiga,  waxaanu nahay laba wadan oo walaalo ah, waxaanan Turkiga leenahay  xidhiidh taariikhi ah, waana dal aanu aad iskaga warhayno. Waxaan mar labaad uga mahad naqaynaa kal-gacaylka ama jacaylka ay tustay dawladda Turkigu ee ay tustay umadda Somalilad iyo sida ay diyaarka ugu yihii in ay mashaariic waa way oo  fara badan daboolka uga qaadeen in aanu kala shaqayno,  mashaariicdaasi oo ah laf-dhabarta wadanka iyo dhaqaaleheena”.




 




Dhinaca kale Safiirka Turkiga Ambassador Kamaludiin Kanu oo isna  warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiri doonaan kulamo dambe oo lagu sii xoonjinayo xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan, si habboona ay somaliland ugala shaqayn doonaan dhinacyada arrimaha bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.




 




Safiirka Turkiga oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “ Aad ayaan ugu faraxsaahay in aan  Hargaysa imaado, aad ayaanan uga mahad naqayaa sida wanaagsan ee ay noo soo dahweeyeen, waxaan manta  halkan wadahadalo ku yeelanay  madaxwaynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa, sida aad la wada socotaan Somaliland iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xidhiidh dheer oo taariikhi ah, waxaanu jecelnahay in aan sii xoojino xidhiidhkaasi, dawladdayada Turkigu waxay halkan Somaliland  ka wadaa mashaariic kala duwan  waxaanan jecelnahay in aanu sii kordhino mashaariicdaasi”.




 




“Waxa  kale oo  aanu kulankan manta madaxwaynaha kaga wadahadalay arrimo la xidhiidha dhinaca  siyaasadda, kuwaasi oo ay ka mid ahayd sidii aanu magaalladdan Hargaysa uga furan lahayn Qunsuliyad ama xafiis siyaasadeed, isla markaana ay iyaguna  (Somaliland) xafiis siyaasadeed  uga fruan lahaayeen Ankara. Sidoo kale waxaanu madaxwaynaha isla soo qaadnay arrinta ku saabsan  wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya  ee dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii.Sidoo kale waxyaabaha aanu ka wadahadalnay waxaa ka mid ahaa arrimaha  ku saabsan fursadaha maalgashiga iyo sidii ay dawladayadda Turkigu Somaliland uga hirgelin lahayd  mashaariic horumarineed iyo sidii aanu uga caawin lahayn  Somaliland dhinacyadda  waxbarashadda, caafimaadka iyo biyaha, aad iyo aad ayaan ugu farax-sanahay nabadgeliyadda iyo horumarka balaadhan ee ka socda Somaliland” ayuu yidhi Ambassador Kamaludiin Kanu.




 




Sidoo kale safiirka iyo waftiga ka socday dalka Turkiga  ayaa sidoo  kale waxay maanta xafiisyadooda kulamo kula yeesheen wasiirka Md. Mxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaanay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee ka  dhexeeya labada dal.




 




Gobanimonews/Hargaysa office




 




Khaddar cabdi Muuse




 




Khadarmuuse94@gmail.com