Sunday, November 24, 2013

Muqdisho:waa goorma dooda Mooshinka Xukuumaddu?Akhri Jawaari oo mudeeyay


Muqdisho(GNA)-Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa go'aamiyay in maalinta berito ah Baarlamaanka ay ka doodaan Mooshinka la doonayo in lagu rido R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid).




Jawaari ayaa shalay ku soo laabtay dalka si uu xaalada siyaasadeed ee hogaanka dalku sababay u waajaho.




Kulan maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa isugu yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari labadiisa gudoomiye kuxigeen iyo Gudiyada Joogtada ee Baarlamaanka.




Kulankan ay maanta Yeesheen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo 15-ka Gudiyada Joogtada ee Baarlamaanka ayaa isla gartay in maalinta berito oo axad ah in Xubnaha Baarlamaanka loo gudbiyo qoraalka mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha si ay u aqristaan ugana doodaan Maalinta Isniinta ah.




Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa u jeediyay Gudiyada Baarlamaanka in ay dhax dhaxaad ka noqdaan Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, laakiinse hadalkaasi mid la mid ah oo uu hore u jeediyay ayaa laga hoos qaadi waayay.




Qorshaha berri beegay dooda ku saabsan cod u qaadista xukuumadda ayaa ah in la dedejiyo soo afjarida khilaafka.




Labada masuul ee ugu sareeya dalka waa Madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha xukuumadda ayaa mid waliba gaarkiisa ugu goodinayaa inuu Baarlamanka guul kala kulmo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com