Muqdisho(GNA)-Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga dhagaystay warbixino gudiyo wasiiro oo loo kala diray gobolada shabellooyinka iyo Hiiraan, Miisaaniyada sanadka 2014.
Shirkaasi oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”hadal uu ka jeediyay Reysal-wasaaruhu waxa uu ku sheegay inay muhiim tahay in shaqaaqooyinka Bulshada lagu xaliyo wada hadal.
“Waa shaqo fiican oo bilow ah howsha ay soo qabteen gudiyadii kala aaday shabeelooyinka iyo Beladweyn, waxayna dowaldu ka shaqyn doontaa in colaadahan oo kale lagu xaliyo qaab wada hadal ah, lana xoojiyo kalsoonida shacabka, si wada shaqayn buuxda loola yeesho shacabka, ciidamadana kaalintoodu noqoto sugida amniga muwaadiiinta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Dhanka kale wasiirka maaliyaada iyo qorshaynta mudane Maxamud Xasan Suleiman ayaa ka warbixiyey miisaaniyada ay qorshaysay wasaaradiisu sanadka 2014, taas oo ay ka muuqatay koror siyaado ah marka loo fiiriyo miisaaniyadii sanadkan 2013.
“Miisaaniyada sanada 2014 aan qorshaynay ayaa gaaraysa 219.Malyan oo doolar, , miisaaniyadan ayaa ah mid ka badan tii sanadkii hore, 128 malyan oo ka mid ah waxay ka imaanaysaa dakhliga gudaha dalka, halka 91 milyan ay ka imaanayso kaalmada caalamiga ah, waxaa miisaaniyada cusub qayb ka ah 137 maylan oo loogu tala galay dhank horumarinta oo aan dowlada soo maraynin” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta .
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xusein Guleed oo hogaaminayey gudigii aaday magaalada Beladweyn ayaa ka warbixiyey kulamadii ay la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan.
“ Kulankii aan la yeelanay dadka reer Beladweyne waxay noo muujiyeen sida ay u jecel yihiin dowladnimada, waxayna noo balan qaadeen in ay xoojinayaan isku xirka dadka iyo dowlada, dhankayaga waxaan soo dhaweeynay kuna taageernay shacabka reer Hiiraan dadaalkooda ay ku doonayaan inay ku samaysataan Maamul ay shacabku soo doorteen, taas oo ka turjumaysa siyaasada dowlada, si meesha looga saaro maamuladii la soo magacaabi jiray” ayuu yiri .
wasiirku oo dhanka kale waxa uu xusay in qaraxii ka dhacay Beladweyn ay ku dhinteen ciidamo boolis ah oo isu diyaarinayey inay tukadaan salaadan duhur, taas oo muujinaysa in kooxda nabad diidka ah aysan xurmaynayn salaada iyo diinteena suuban.
Hawl-galada Guddiyada Xukuumaddu sameeyeen ayaa ku soo beegmaya xili Olole mooshin ahi kaga socdo Golaha Baarlamanka, kaasoo lagu dalbanayo in la rido Xukuumadda uu reysal-wasaaraha ka yahay cabdi faarax shirdoon.
Waxaana dhaqdhaqaaqan cusub ee ay sameeyeen u muuqdaa mid ay ku dar-dar gelinayaan shaqada xukuumadda oo lagu dhaliilayo gaabis mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay.
Khilaafka Madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha ka dhexeeya ayaan ilaa hawa wax xal ah laga gaadhin, isla markaana gaadhay heer Mooshin madaxweynuhu dabada ka riixayo la horgeeyo Golaha shacabka.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com