Muqdisho(GNA)-Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa xalay ka dhacday dhacdo argagax leh, ka markii waddaad muxaadaro u jeedinayey dadkii ka soo qeygalay xafladii arooska lagu furay rasaas.
Sida ay warbaahintu ka soo xigatay dad goob-joogeyaal ah Wadaadka oo isku meheriyay labada qof ee arooska dhiganayay, ayaa rasaas lagu furay ka dib markii uu isku dayay inuu dhalinyaro Musig ku ciyaaraysay ka joojiyo.
Cabdirisaaq Xassan Faarax oo dhacdadan warbaahinta uga waramay ayaa sheegay in waddaadkii gabadha & wiilka isku mehriyey in goobtii laga qaaday isaga oo dhaawac ah.
“Waddaadkii gabadha & wiilka isku mehriyey markii uu dhammeeyey howshii meherka, ayuu billaabay inuu muxaadaro u jeediyo dadkii arooska ka soo qeybgalay" ayuu yri Cabdirsaaq.
"Muxaadaro ayuu bilaabay markii uu dhammeeyey ayaa waxaa meesha laga daaray muusik, dhalinyaradiina waxey galeen ciyaar, waddaadkii wuxuu isku dayey inuu u sheego dhalinyarada in muusiga & ciyaarta sidan oo kale ah aysan diinta islaamku qabin, waxaana laga war-helay rasaas aan ogeyn cidda soo riday & halka laga soo riday, waxaana goobtii ka dhacday dhimasho & dhaawac" ayuu yiri.
Cabdirisaaq wuxuu sheegay in markii ay rasaastu billaabatay uu goobta ka soo cararay, isaga oo aan ogeyn tirada saxda ah ee goobta wax ku noqotay.