Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah Saraakiisha Xisbigaasi ayaa la sheegay inay maalmaha soo socda u safrayaan dalka Itoobiya, halkaasoo sida la sheegay ay kaga qayb-gelayaan shir qabsoomaya.
Muuse Biixi Cabdi ayaa tegitaankiisu ku soo beegmayaa xili xaasaasiyada ka oogan Xisbigu dib u soo laba kaclaysay, isla markaana maalmihii ugu dambeeyay kulamo socday oo xisbiga arrimihiisa lagaga wada hadlayay ay ka soo baxeen natiijooyin aan farax gelin.
Ma jiro war rasmiya oo xisbiga Kulmiye ka soo saaray safarka Muuse biixi iyo xubnaha weheliyaa iyo waliba waxa uu ku saabsanyahay Shirka uu ka qayb-gelayaa , balse xubno sar sare oo xisbiga ka tirsan ayaa Gobanimonews u xaqiiijiyay in maalmaha soo socda wefti uu hogaaminayaa u kicitimi doonaan dhinaca addis-ababa.
Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii 2011-kii Booqasho uu ku tegay Magaalada Addis-ababa waxa uu kulamo kula yeeshay hogaanka Xisbul xaakimka Dawladda federaalka Itoobiya, kaasoo uu xiligaasi hogaaminayay Reysal-wasaarihii dhintay ee Meles Senawi.
Xisbiga Kulmiye ayaa tan iyo wakhtigaasi cilaaqaad fiican la lahaa Xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPDRF, kaasoo kulamo kala dambeeyay dhex mareen hogaanka xisbiga Kulmiye, hase ahaatee ma cadda ilaa hada sababta weftigan Kulmiye lagu soo casuumay dalka itoobiya.
Muuse Biixi ayaa sida la sheegay shalay ka biyo diiday qorshe la sheegay inay u soo bandhigeen xubno dhexdhexaadiyeyaal ka ah muranka Xisbigaasi ee la xidhiidha loolanka loogu jiro hogaanka shanta sanadood ee soo socda.
Qorshahaasi oo nuxurkiisa lagu sheegay in Guddoomiye Muuse awoodda Guddoomiyenimada lala qaybsado iyo in musharaxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka looga tanaasulo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa.
Arrintaasoo ay dabada ka riixayaan garabka Xisbigaasi ee taageersan wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Muuse Biixi iyo xubnaha hogaanka xisbigu sida la sheegay ku gacan saydheen,inkasta oo wali dhaqdhaqaaqyada arrintaasi ku saabsani socdo wali.
Si kastaba ha ahaatee Guddoomiye Muuse Biixi oo Maanta warbaahinta
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com