Hargeysa(GNA)-Xisbiga Ucid ayaa loo diiday inay Maanta gudaha u galaan Madaarka Diyaarasaha ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku soo dhaweyn lahaayeen Guddoomiyahooda oo Maanta dalka ku soo laabtay.
Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo markii gelitaanka gudaha Madaarka loo diiday ka mid ahaa boqolaal qof oo afaafka hore ee laga galo ku sugayay Guddoomiyaha, ayaa talaabada lagaga hor-istaagay Madaarka ku tilmaamay cunsuriyad siyaasadeed iyo colaad xukuumaddu u qabto Mucaaridka, taasoo ay cadaadis ku saarayso.
Jamaal ayaa amarka lagu joojiyay Taageerayaasha Ucid iyo madaxdooda ku eedeeyay Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu sheegay inaanay taasi dariiqa mucaaridada ka duwan xisbiyada Mucaaridka.
Halka ka dhegeyso: