Sunday, November 24, 2013

Somalia: Mid ka mid ah wariyeyaal Kufsi ku eedeysan oo is-difaacay


"Dhegeysiga Dacwadda Kiiskan ayaa Maanta dib loogu dhigay sababo aan la garanayn"




Muqdisho(GNA)-Dhegeysiga Dacwad kusfiyeed suxufiyiin ka hawl-gala Warbaahinta Muqdisho oo maanta la filayay ayaa dib u dhacday.




Gabadh suxufiyad ah oo ka shaqaysa Ideecad magaceeda la yidhaahdo Kasmo, ayaa todobaadkii hore laba suxufi oo ka hawl-gala warbaahinta dawladda ku eedeysay inay kufsi kula kaceen.




Faadumo Cabdiqaadir Xasan oo ah gabadha sheegtay inay Kufsadeen Wariyeyayaasha kala ah Jibriil Cabdi iyo cabdicasiis Afrika, ayaa bilaysku xidheen iyada iyo laba suxufi oo midkood waraystay ka kalena gacan ku siiyay  maalmo ka dib markii ay arrintan warbaahinta ka sheegtay.




Waxa dib loo dhigay maxkamad lagu waday in maanta ay bilowdo dhegeysiga dacwad ku saabsan gabar saxafiyad ah sheegtay iney kufsadeen saxafiyiin kale oo ka howlgasha warbaahinta ku hadasha codka dowlada.




Kiiskan oo shalay qaramadda midoobay dalbatay in baadhis qoto dheer lagu sameeyo, ayaa sababo aan la garayn dib loogu dhigay maanta, waxaanu ka dhexeeyaa dhinacyada kala ah  Faadumo, weriye ka tirsan Shabelle oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Bashiir Xaashi kaasoo la sheegay inuu baraha internetka ku faafiyey muuqaal laga duubay  C/maalik Yuusuf Maxamuud oo loo heysto inuu Maxamed Bashiir gacan ku siiyey faafinta warka ku saabsan kufsiga iyo labada suxufi hore loo eedeeyay.




Dhinaca kale,  Weriye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ka mid ah labada Nin ee Gabadhu Kufsiga ku eedeysay ayaa arrintaasi ku tilmaamay mu’aamarad lagu sumcad dilayo.




Afrika ayaa sidoo kale beeniyay warar maanta gelinkii dambe soo baxayay oo sheegayay in la xidhay. “Cadaalada ayaan ku kalsoonahay iney wax walba kala cadeyn doonto” ayuu yiri weriye Afrika oo la hadlay Dayniile.




Afhayeenka madaxtooyada dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) oo isna arintan ka hadlay maalmo ka hor ayaa sheegay in xiligan su’aallo la weydiinayo labada ruux ee ciidamadu ay xireen, isla markaana dowladdu ay ilaalinayso xoriyadda saxaafadda Soomaaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com