Monday, November 25, 2013

Somaliland: WADDANI oo Eryay Filanwaa


Hargeysa(GNA)-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa xisbiga ka saaray Mr. Axmed Maxamed Filanwaa oo xisbiga ka tirsana.




Filanwaa ayaa xisbigu ku eedeeyay inuu la saftay xukuumadda Somaliland islamarkaana eedaymo u jeediyay guddoomiye xigeenka xisbiga ahna ku simaha guddoomiyaha xisbiga.




Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa xaqiijiyay in xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga WADDANI ay shalay isugu yimaadeen shir ay kaga wada hadleen waxa laga yeelayo  Axmed Maxamed Filanwaa, waxaana la sheegay inay aad uga doodeen xeerka xisbiga oo ay sheegeen inuu Mr. Filanwaa ka horyimid islamarkaana uu garab istaagay xisbi kale iyo xukuumadda.




Waxaanay dood iyo falanqayn ka dib ay xubnaha xisbiga ee guddiga fulintu isla garteen in xubinimadii laga xayuubiyo  ninkaasi oo ay sidoo kale ku eedeeyeen inuu sheegtay xil aanu xisbiga ka haynin oo ah xoghayaha arrimaha gudaha iyo nabadgelyada.




Maxamed Axmed Filan-waa oo ka mid ah xubnihii xisbiga UDUB ee markii xisbigoodu salaanka siyaasadda ka degay waddani kula soo biiray Wasiirka arrimaha Gudaha ee xukuumadda Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka soo horjeestay shirka wada-tashiga qaran ee Xisbiyada Mucaaridka ahi qabanqaabinayaan, kaasoo uu ka istaagay mawqif la mid ah ka ay xukuumaddu ka taagantahay.




Waa xubintii ugu horaysay ee Xisbigu daaqada ka saaro tan iyo markii uu ku soo biiray saaxadda xisbinimada sanadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisii, waxaana dadka arrimaha xisbiyadda daraaseeya qaarkood ku doodayaan in xisbigu ku deg-degay go’aanka uu ka qaatay xubintan.




Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Maxamed Axmed Filan-waa oo hadii dib loo raaco taariikhdiisa siyaasadeed xukuumaddii Daahir Rayaale ka ahaa wasiir ku-xigeenka Gaashaan dhiga.




Lama oga saameynta miisaan ahaan iyo taageero ahaanba uu ku yeelanayo Xisbiga xil ka qaadista Filan-waa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com