Hargeysa(GNA) Ilo-wareedyo ka soo baxay kulan ay Caawa wada yeesheen hogaanka Kulmiye, guddida fulinta iyo xubno dhexdhexaadiyayaasha khilaafka xisbigaasi lagu sheegay oo uu Guddoomiye u yahay Saleebaan Maxamuud Aadan Gudoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa sheegaya in musharxnimada Kulmiye ee shanta sanadood ee soo socda loo haneeyay madaxweyne siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa.
Khilaafka xisbiga Kulmiye ayaa muddo todobaadyo ah iminka yara damay kadib markii madaxweyne Siilaanyo go’aamo ay liqi waayeen hordhigay xubno ka mid ah siyaasiyiinta u hanqal taagaya Guddoomiyenimada shanta sanadood ee soo socda oo loogu sii tirisayo Musharaxnimo madaxweyne.
Siday sheegtay mareegta waaheennews guddidan oo Madaxweyne Siilaanyo hore ugu saaray khilaafka Kulmiye ayaa breacaawa soo saaray go’aan ay ka gaadheen khilaafkii xisbiga Kulmiye waxaanay sheegeen in shirweynaha Xisbiga Kulmiye aanay wax doorasho ahi ka dhici doonin, taasoo micnaheedu yahay in hogaankii Xisbiga, Fulintii, Gudida Qabanqaabada iyo Golaha Dhexeba sidoodii hore ahaan doonaan oo aan waxba Xisbiga dhismihiisii laga bedeli doonin.
Kulanka go’aankan laga soo saaray ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan isla markaana ay goob joog ka ahaayeen labada Garab ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo la sheegay in ay qudbado ku waajahan aragtidooda go’aankaasi ka jeediyeen.
“Ilo wareedyo kulankaasi u dhuun daloolay ayaa Waaheen u xaqiijiyey go’aankan oo salka ku haya qoddobo toddoba ahaa oo garabka Samaale iyo xubnaha fulinta ugu badan u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddidiisa Saleebaan Odayga u yahay in la isla qaatay wallow Muuse Biixi ka kacay shirka oo uu sheegay in uu ka soo tashanayo, hase yeeshee hadana waxa isla goobtii ku dhawaaqay in ay sidiisa ku qaateen go’aankaas Maxamed Kaahin Axmed”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi balse wali war cad lama hayo.
Ma cadda halka ay xaaladda noocan ahi ku dambeyn doonto inuu khilaafka kulmiye halkiisii ka soo kaakici doono.