Friday, November 8, 2013

Ethiopia:4 qof oo ku dhintay Qarax Bambaano iyo Ciidamada oo Heegan la geliyay


Sengo Gebeya(GNA)-ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhintay Qarax Bambaano oo lala eegtay Gaadhi Mini Bus ah Magaalada Segno Gebeya ee Galbeedka Itoobiya gelinkii dambe ee Salaasadii todobaadkan, sida laga soo xigtay saraakiil sar-sare oo Itoobiyaan ah.




Qaraxan ayaa sababay inay dawladda Itoobiya heegan geliso ciidamada amaanka ee dalkaasi, waxaana daraasiin ciidan ah ay geysay ciidamo badan xuduudka ay la wadaagto Eriteria, taasoo ay addis-ababa ka cabsi qabto inay soo dhex maraan kooxaha Islaamiyiinta ah ee Al-shabaab.




Bishii hore bilowgeedii oo ku beegnayd Ciidii Carafada ayaa xili Habeenimo ah qof isku soo xidhay walxaha qarxa uu ka fashilmay weerar ismiidaamin ah oo uu maleegayay, ka dib markii isagoo falkaasi qorsheynaya uu iskii u qarxay.




Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Itoobiya ayaa laga soo xigtay inaanay jirin cid sheegatay Masuuliyada weerarkaasi “Bambo ayaa lagu tuuray Gaadhi Bas ah oo marayay Magaalada Segno Gebeya, Salaasadii”ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Itoobiya oo magaciisa ku sheegay Shimeles Kemal, waxaanu sheegay in weerarkaasi ka dhacay xuduudka Sudan.




Shimeles Kemal, ayaa intaasi ku daray “Ma jirto cid sheegatay Masuuliyada qaraxaasi, kiiskaana waa la baadhayaa”ayuu hadalkiisa raaciyay  mar uu Reuters la haday Arbacadii la soo dhaafay.




Dawladda ayaa la sheegay inay heegan culus gelisay dhamaan Ciidamadeeda ku sugan Xuduudaha Dalkaasi, waxaana la sheegay inay laamaha amaanka ee dalkaasi aad isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada dhinaca Asmra oo ay shaki weyn ay ka qabto.




Itoobiya ayaa sheegtay inay ka hortagtay Weeraro badan oo ay doonayeen inay ku soo qaadaan Kooxaha Al-shabaab ee Xidhiidhka la leh, Al-qaacida, waxaanay addis-ababa intaasi raacisay inay dalkeeda ka difaacayso waxay ugu yeedhay cadow kasta oo dibada kaga imanaya.




Ciidamada Liyuu Booliska loo yaqaano ee Kilalka shanaad ayaa dhawaan ku dilay deegaanka Bali-cabane ee oo dhaca Xuduudka somaliland iyo Itoobiya Nin  la sheegay inuu ka mid ahaa dadka xuduudka talaabiya Ganacsatada Koontarbaanka isaga gudbiya labada dal.




Dilkaasi ayaa dhacay ka dib markii Ciidamo ku raad joogay ninkaasi oo looga shakiyay Al-shabaab ay  hawl-gal ku yimaadeen deegaankaasi.




Dawladda Itoobiya ayaa ka mid ah dawladdaha Ciidamadu ka joogaan Goboladda amaan daradu ka jirto ee somaliya, waxaanay sanadihii 2006-dii iyo 2011 dagaal xoogan la gashay dhaqdhaqaaqyadii Maxkamaddaha Islaamiga ah iyo Xoogaga Al-shabaab oo ka faliidhmay markii ay Bur-bureen Maxkamadiuhu.




Faro-gelinta Ciidan ee ay ku samaysay somaliya ayaa qayb ka sababaha u soo jiiday cabsida weeraro kaga yimaada Ururka Al-shabaab oo bilihii la soo dhaafay weerar lama filaan ah, balse Cashar lama ilaawaan ah u noqday Kenya ku qaaday Xarun Ganacsi oo ku taala Magaalada Nairobi.




Weerarkaasi oo lagu qaaday dhisme Ganacsiyeedka Westgate Moll, ayaa lagu dilay in ka badan 67 qof, tiro kalena lagu dhaawacay, waxaana fuliyay dagaalyahano la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin Ururka Al-shabaab.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com