Burco(GNA)-Shir balaadhan oo lagaga hadlayo sidii looga xaalufin lahaa Miinada Gudaha Burco ayaa lagu qabtay Hotel Cigaal ee magaalada Burco kaas oo uu soo qabanqaabiyay Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. C/laahi(Xamarji),
Kulankan oo ay kasoo qayb galeen,Maamulka degmada Burco,saraakiisha Booliska Gobolka,Hay,ada Miina baadhka ee THE HALO TRUST iyo qaybaha kala Duwan ee Bulshada Magaalada Burco,shirkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyay laba shil oo isdaba joog ah oo ay sababtay Miino gaadiid la kacday khasaare dhimasho gaadhsiisan ka geysateen Gudaha magaalada Burco.
Shirkan socday muddo hal maalin ah ayaa layskula afgartay in Hay’adda Miino saarka iyo maamulka Gobolka Togdheer si wada jir ah xaafadaha Magaalada Burco uga baadhaan miinada, waxaanay maamulka Gobolku ugu baaqeen dadwaynaha Reer Burco inay la shaqeeyaan Hay,ada Miina saarka si ay u dhamaato baqdinta ay miinadu ku keentay reer Burco.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) oo shirkaasi ka hadlay ayaa Bulshada uga digay inay ka horyimaadaan Hay’adaha hawl-galka Baadhista miinada ku foogan '' waxaan dawaynaha reer Burco uga digaynaa in ay ka Hor yimaadaan Hay,ada Miino saarka waayo waxaa la doonayaa in la Badbaadiyo naf Bani'aadan ah,waxaa dhici karta in uu sarfayga miino baadhku ku beegmo meel sees ah ama Guri jiingad ah,waxa kale oo aanu codsanaynaa in ay shirkadaha telefoonada iyo kuwa laydhkuna ay nagala shaqeeyaan,mana dhacayso in hawshan miino baadhka aanu cid ka hor timaada uga dul qaadano waanoo diyaar ciidankii amniga oo talaabo ayaanu ka qaadaynaa”.
Maayar ku xigeenka Degmada Burco Muxumad Xasan jaamac (Xoday) oo isaguna shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka dawlad oose ahaan ay ka qayb qaadanayaan sidii miinada looga baadhi lahaa magaalada Burco islamarkaana ay dhankooda diyaariyeen hawl-wadeenadii kal shqayn lahaa Hay,ada miinada hawshaasi, khaasatan Joomitiro.
Saraakiil ka tirsan Hya,ada Miinada ee THE HALO TRUST Cuqaal,iyo dadwayne kale ayaa iyana damaanntood siwada jir ah u sheegay inay ka wada qayb-qaadanayaan hawshaasi, si xal waara loogu helo miinada magaalada Burco ku jirta, oo nafo badan waxyeelaysay.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay Ruux dumar ah ku dishay Magaalada Burco Miino la kacday gaadhi nooca raaxada ah, halka bishii horena ay sarkaal u shaqayn jiray Shirkadda Laydhka Beder kula kacday gaadhi uu watay isla magaaladaasi.
Miinada Dhulka ku aasan ayaa ka mid ah raadadka ka sii muuqda Dagaaladii kala dambeeyay ee dalka soo maray, kuwaasoo laga soo dogay dhawr iyo toban sanadood ka hor.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com