Sunday, November 24, 2013

Somaliland:Mucaaridka oo Madaxweynaha u Gudbiyay Dacwad ka dhan Waran-cade


Hargeysa(GNA)-Sida lagu cadeeyay qoraalka ka soo baxay Xafiiska guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo lagu socodsiiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ujeedadeeduna tahay Ashkato ka dhan hadal wasiirka arrimaha Gudaha cali waran-cadde ku eedeeyay Xisbiyada, isagoo sheegay in Shirka dooda qaran ee ay abaabulayaan laga soo maleegay Somaliya, Xisbigu waxa uu cadeeyay in arintaasi deelqaaf ku tahay xisbiyada Mucaaridka.




Qoraalka Dacwadda ah oo Nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay, ayaa sidoo kale xisbiga waddani waxa uu ku sheegay inay meel ka dhac u arkaan hadalka ka soo yeedhay wasiirka ee ku saabsan in Hay’adaha Amaanku daba-gal ku hayaan dhaqdhaqaaqyada xisbiyadda.




Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa todobaadkii hore warbaahinta ka sheegay in Shirka Dooda qaran ee labada xisbi ee UCID iyo Waddani, qaban qaabinayaan xidhiidh la leeyahay qorshe dawladda somaliya khal-khal kaga abuurayso somaliland, waxaanu hadalkaasi bulshada dhexdeeda ka abuuray dareen xaasaasi ah iyo su’aalo badan.




Xisbiga Waddani, waxa uu Madaxweynaha ka dalbaday inuu cadeeyo mawqifka uu arintaasi ka taaganyahay, hadii aanu ku raacsanayn wasiirka Daakhiligana uu talaabo ka qaado.




Qoraalka Xisbiga ayaa u dhignaa sidan:-




JAMHUURIYADA SOMALILAND                                                                          REPUBLIC OF SOMALILAND




Xisbiga WADDANI                                                                                              Somaliland National party




Ref/XIS/WAD/XDH/122/2013                                                     Date, November 24, 2013




 




Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland




Ujeeddo Dacwad Ku Xadgudub Sharci (Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL)




Mudane Madaxweyne, Marka hore salaan sharaf iyo karaamo leh ayaannu kuu soo gudbinaynaa.




 Waxannu kula socodsiinaynaa Mudane Madaxweyne,  in  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, uu ka sii daayey warbaahinta waraysi la yaab leh oo lama filaan ah, aadna  uga argagixiyey  dadweynaha reer Somaliland guud ahaan, Gaar ahaana xisbiyada qaranka ku noqday lama-filaan iyo u qaadan-waa . Nuxurka waraysigaasi, haddii la soo koobana, wuxu ku soo ururayaa laba arrimood.




 Labada arrimoodba waxay si  toos ah uga soo hor-jeedaan  nidaamka dimiqraaddiga ah ee Somaliland  ku dhaqanto, iyo midnimada iyo madax-bannanida Jamhuuriyaadda Somaliland intaba. Labadaas arrimoodna waxay kala yihiin.




1.      In xisbiyada Mucaaridka ah ay qaran-dumis yihiin, oo laga soo abaabulo, lagana soo maal-geliyo Somalia.




2.      In hayadaha amniga iyo sirdoonka Somaliland ku hawllan yihiin, xuuraanka, daba-galka iyo jaajuuska  xisbiyada Mucaaridka ah,iyo xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ee dadka shacabka reer Somaliland.  taas oo si toos ah uga soo hor-jeedda distoorka qaranka halkii ay awooddaas gelin lahaayeen sugitaanka amniga iyo nabadgelyada shacabka.




 Marka ugu horraysa, sida aanu kaa filayno  Mudane Madaxwene  kalsoonina ku qabno , taas oo noo   muujinaysa aragtida guud ee ka soo noqnaysa dadweyna reer Somliland, in aanad la qabin Wasiirka labadaas arrimood.




Waxannu kale oo aamminsanahay, inay ka mid tahay waajibaadkaaga sharci, inaad dadweynaha iyo Xisbiyada qaranka u muujiso inaadan Wasiirka la qabin, kuna amrin, kuna taageersanayn arrimahaas.




 




 




Mar haddii ay sidaas  tahay, waxannu kaa filanaynaa, kaana dalbaynaa :




a.                               Inaad marka hore, dadweynaha reer Somaliland u xaqiijiso kalsoonida ay ku qabaan in aadan kula socon Wasiirka Arrimaha  Gudaha ee magaca xakuumadda aad Madaxweynaha ka tahay, ku hadlay.  Taas oo micnaheedu yahay,  marka la soo ururiyo, (i)inaadan la qabin in xisbiyada mucaaridka ah ee qaranka laga soo abuubulin,  lagana soo maal-gelin Somalia.(ii) In dadka aad u xaqiijiso in nidaamka siyaasiga ah ee dalku uu ka  kooban yahay hannaanka xisbiyada badan ,  isla markaana aan  midkoodna  cadow ku ahayn jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland sida dastuurka qarankuba tilmaamayo




b.                              In  xisbiyada mucaaridka ahi ay leeyihiin awood, sharci iyo karaamo lamida ta u leeyahay xisbi xaakimka maanta  talada haya, marka laga reebo inuu  maamuulo  xukuumadda.




Waxannu kaa dalbaynaa, Mudane Madaxweyne in  si ka duwan sida Wasiirka Arrimaha Gudahu u hadlay, in aad dadweynaha reer Somaliland  kalsooni ku siiso in Xisbiyada qaranku aanay ahayn qaran -dumis




 




Mudane madaxweyne, annaga oo qabna kuna qanacsan in aad talada dalka ku timi sifo  dimuqraaddi ah oo sharci ah, waxannu, haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI, kuu xaqiijinaynaa, in aannu aaminsannahay in xisbiga WADDANI uu talada dalka ku iman karo oo keliya dariiq sharci, iyo tartan dimuqraaddi ah , lana mid ah sidii xisbiga kulmiye oo mucaarid ahaan jirey, uu ku yimid talada dalka Jamhuuriyada Somaliland.




 




Ugu dambayntii, waxannu xisbi ahaan kaa dhawraynaa tallaabo waafaqsan sharciga, Distoorka iyo danta guud ee qaran, in aad ka qaaddo deel-qaafka  Wasiirka Arrimaha Gudaha. Haddii kale waxad dariiqa u furaysa inuu lumo ku- dhaqanka sharcigu (rule of law), madaxda xukuumadduna u dhaqmaan sidii xukunkii digtaatooriga ahaa ee la iska xoreeyey.




 




Alla          mahad            leh.




Md. Axmed Muumin Seed.




 Guddoomiye-xugeenka Xisbiga WADDANI




   ahna Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga




Xisbiaydda Mucaaridka ah ee somaliland ayaa qaban qaabinaya Shirweynaha lagu tilmaamay dood qaran oo lagaga hadlayo qodobo la xidhiidha dhinacyada siyaasadda gudaha, Maamulka iyo Tahriibka dhalinyarada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com