Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ku soo laabtay dalka, ka dib markii uu soo dhameystay socdaal uu dibada ugu maqnaa.
Faysal Cali waraabe ayaa ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Saraakiisha Madaarka Caasimada ayaa iska hortaagay inuu Warbaahinta kula hadlo qolka nasashada ee Madaarka, isla markaana waxa loo diiday in Madaxda Xisbigu ku qaabilaan gudaha Gegida diyaaradaha.
Guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa booqasho ugu maqnaa dalka Turkiga, halkaasoo uu kaga qayb-galay shir sanadeedka ururka daneeyayaasha Dimuquraadiyada iyo Ilbaxnimada (Socialists and Democratic ).
Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay afaafka laga galo Madaarka ayaa ka waramay ujeedada socdaalkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.
Halkan ka dhegeyso