Monday, November 25, 2013

Hooyo 3 Wiil oo Mataano ah dhashay Guri iyo lacag loogu deeqay


Muqdisho(GNA)-Maano Cumar Xasan waa Hooyo Somaliyeed oo ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya, gaar ahaan Degmada Waaberi oo dib u dejin loogu sameeyay Maanta, ka dib markii lagu wareejiyay Guri halkaasi looga dhisay iyo Deeq lacageed.




Waxa ay ka mid ahayd qoysas ka soo baro-kacay Gobolka Shabeeladda hoose dhawaan, kuwaasoo Degenaa Xero baro-kacayaal oo ku taala degmada waaberi.




Maano Cumar ayaa dhawaan  Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Degmadaasi ku Umushay Saddex Carruura oo mataano ah, tanina waxay ahayd dhacdo dadka intii la socotay ama ogayn mucjiso ku noqotay.




 Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Meyra Makaraan ayaa maanta Hooyadan iyo qoyskeeda ku wareejiyay Guriga ay maamul ahaan u dhiseen iyo Deeq lacageed, waxaana tabarucan ka gacan siiyay Ganacsato iyo dad kale oo degmada ku dhaqan.




Axmed Meyre Makaraan guddoomiyaha degmada Waaberi ayaa sheegey in qoyskani ay xarunta degmada deganaayeen tan iyo markii ay haweeneydan ku umushay MCH-ka degmada, 3-da carruurta oo ah wiilal mataano ah, waxaana uu ka warbixiyay deeqda ay ku wareejiyeen.




“Maanta waxaa noo suura gashay in hooyadaan Soomaaliyeed aan dib u dejin ugu sameyno gudaha degmada, dhul dowladda ay leedahay ayaan u dhisnay anagoo la kaashanay ganacsatada, waxaana arrintaasi gacan nagu siiyay guddoomiyaha Degmada Wadajir” ayuu yiri markaan.




 Dhinaca kale, Maano Cumar Xasan oo ah Hooyada Caawimadda heshay ayaa iyaduna ka dareen celisay taageerada loo fidiyay.




 “Waa mahadsan yihiin dadkii arrintan nagu deeqay oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha degmada waaberi, sida aad la socotaan ilmahaan aabahood ma shaqeeyo laakiin Al xamdullilah Alle un baa talada saaranay” ayay tiri.




U naxariisashada dadka jilicsan ayaa ka mid ah Sadaqooyinka Ilaahay Dadka muslimiinta ah faray, waana waxyaabaha islaamku kaga duwan dadka haysta Diimaha kale.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com