20 kii bisha waxay warbaahinta dalku ku dhaawaqday inay dib u hawl geleyso shirkadii shidaalka dalka ka sahaminaysay ee wadanka hore uga baxday(Genel Energy) taas oo ay ka hadleen masuuliyiin sare oo xukuumadda ka tirsan. Arintaas oo ay dadweynaha iyo dawladuba si guul ah u soo dhoweeyeen ayaa waxa sida fulkaanaha mar qudha ka dhex qarxay fadeexad toban 10- jibaar ka weyn intii hore loo dareensanaa. Kadib markii masuul ka tirsan shirkadii shidaal baadhista oo goobta ka hadlay uu sheegay inay xukuumadda S/land ay ka hayso lacag maalgelina ah oo dhan 35$milyan oo dollar oo ay ku maalgelisay sahaminta shidaalka iyo somalilandba. Taas oo afkala qaad iyo yaab ku noqotay dadweynaha reer S/land khaasatan dadkii degaanadooda hawshu ka socotay, akhristoow ma jiro haldegaan oo malyuumaad daaye 10000$ oo dollar oo maalgelin ah lagu sameeyey xaalufin iyo baabin mooyaane xataa gaadiidkii la kireeyaa warkiisa laga wada dheregsan yahay gudo iyo debedba, maantana su'aasha jawaabteeda la doonayaa waxa weeye waxa cusubi ha danbeeyaane wixii hore halkay mareen? 82dii gaadhi ee ay dhawrka qofi lahaayeen mala joojinayaa mise dibay u soo hawlgelayaan? Taasi waxay sawir cad u tahay awood xumadda xukunkan Siilaanyo iyo manaxaanada ku xeeran ee garan waayey badhqaadoo badh bixi mar haddaan sharci ku qabanayaa jirin waayo denbi dhacay lagama xisaabtamo doorashadiiba waxba la iskama weydiin.Wejiga madow ee uu xalayto Xirsi la soo laabtayna waxay cadaynaysaa in la is fahmay la iskana war qabo gudo iyo debedba. Xafladii qaadhaan uruurinta ee Londona waxay daaha ka rogtay falxumada iyo qaawanaanta xukuumadda Siilaanyo. Haddii qaadhaan uruurin la doonayo Maxa loo igman guddi madax banaan oo shicib ah oo lala xisaabtami karo si ay madasha muxaafid iyo mucaaridba u yimaadaan? Wasiirada qaadhaanka uruurinaya ee dumarka silisyada ka furaya caruurtana nusasaacaha ka qaadaya miyaanay xil qaran haynin? Miyaan hanti uruurinta loo diri karin cid dhexdhexaada oo dhinacyada siyaasadu is soo wada taagi karayaan? Maguulbaa intaad in yar oo isku wada qabiil ah oo isku wada fikir ah intaad meel isugu keento inaad tidhaahdo lacag aan anigu idiin daba ka dhiibo ku dhawaaqa? Wadada Ceerigaabo ma wada TVga looga soo saaro laba iska rogo oo meel ciid dhigayabaa miyaanay ahayn wado u baahan dhaqaale sugan iyo aqoon sugan? Guntii iyo gabagabii inagoo akhristoow aad u taageersan in Ceerigaabo waddadeeda iyo wadooyinka kalee dalkaba la dhiso taladaada iyo ra'ayigaaga sax ma kula tahay siday wax u socdaan Mise shidaalbaa la qodayaa iyo Ceerigaabaa waddo loo samaynayaa waa kaambeynkii 5 shanta sanno ee danbe oo ay Odayga ku dirqinayaan koox doonaysa sidii jawharada inay ku ugaadhsadaan dalka iyo dadkana aan dan ka lahayn.
Qalinkii C/risaaq Maxamed Jaamac
Burco- Somaliland
Dhamaad lasoco qaybaha danbe.........