Friday, November 8, 2013

Wild Cat waa Robot u tababarta sida bini’aadanka


GNA_Wild Cat waa robot awooda inuu si xoogan u tababarto una taxadaro marka uu tillaabo qaadayo oo uu lugihiisa afarta ah midba mar xadidayo meesha uu ka qaadayo iyo meesha uu dhigayo , ayaga oo hadana wada shaqaynaya oo iska warqaba.




 




Waxa uu leeyahay afar lugood kuwaas oo u suurta gelin kara inuu boodo inta uu doonayo  kuna socon kara xawaare gaadhaya 26km/h. Waa wax soo saarkii ugu danbeeyay ee shirkadda Boston Dyncamics ee dalka maraykanka laga leeyahay taas oo loo xilsaaray cilmi baadhista sare ee xagga difaaca dalka maraykanka si gaara, waa shirkad samaysa ropotyada .




 




Ropotkan cusub ayaa ka mid noqonaya ayay sheegtay Boston Dynamics ballanqaadyo ay hore u samaysay kuwaas oo lagu jilayo hab dhaqanka noolayaasha bani’aadanka la dhaqma iyo bani’ aadamka ruuxiisaba gaar ahaan qaababka ay wax isaga difaacaan.




 




Prph sharkey oo wax ka dhiga jaamacadda shafild ayaa BBC-da u sheegy in hawshani tahay wax lala yaabo oo caalamku ugu durkay mucjisooyinka hal abuur ee aadanaha.




 




Gudaha bisha December ayaa la qabanayaa tartan ka koobnaan doona 8 qaybood oo loo qaban doono ropotyada si loo tijaabiyo heerkooda tayo, marka la joogo xilliyada kediska ah iyo ka jawaab bixintoodaba, sidoo kale ayaa waxaa ku jira in la tijaabiyo habka safarkooda ayaga oo adeegsanaya gawaadhi qatar badan.




 




Shirkaddan ayaa doonaysa in ay ropotyada horumariso ayada oo isticmaalaysa qarashka ugu yar.




 




Wild cat waa uu boodi karaa una dhaqdhaqaaqi karaa sida xayawaanada awoodda badan isaga oo caawinaad ka helaya matoor lagu xoojiyay dhqaaqiisa oo gudihiisa ku jira. Waxaana ka muuqanaya inuu yahay technology waqti iyo maalba galeen hadana lagu wado in la sii hor mariyo.




 




Ma garanayno baahida millatery ee uu keeni doono laakiin sida cad waa tallaabo horay loo qaaday laguna gaadhay ropot xawaare sare leh, oo loo adeegsan karo ugaarsi iyo wax dilis, sidaasi waxaa yidhi prph sharkey.




 




Ninka madaxda ka ah ruropot jiif pegman ayaa BBC-da u sheegay in ropotyadu sameeyeen wax yaabo badan oo muhiim ah taa oo si aayar ah isu soo tareysay, waana kacdoonno si joogto ah u soconaya oo ay tichnolojiayaddu hora u kac ku samaynayso ayuu hadalkiiisa ku soo af jaray.




 




Waxaana si xoogan ay muxaliliinta tichnolojiyadda wax ka sheegaa ugu rajo weynyihiin in ropotyadani wax wanaagsan caalamka ku soo kordhin doonaan, sidoo kale ayaa waxaa diiradda la saarayaa xawaaraha iyo hab muuqaalka loo naqshadeeyay ropotyadan.




Diyaariye_C/Qaadir Ismaaciil Baaruud *Askar)




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com