08/11/2013 Boorama-(GNA)-Dalada haweenka ee NAGAAD ee Somaliland ayaa maanta magaalada Boorama ugu qabatay culimada diinta, kulan ku aadan sidii loo taageeri lahaa ka qaybgalka talada dalka ee haweenka, waxana kulankan ka soo qayb galay masuuliyiin heer gobol ah, culimaaudiin iyo odaydhaqameedyo kala duwan.
Caasha Xasan Cali oo ah xubin ka mid ah gudida fulinta ee dalada NAGAAD oo ka hadashay halkaasi ayaa tidhi “Ujeeda aan maanta culimada diinta isugu yeedhanay waxa ay tahay in la dhiiri galiyo kaalinta ay haweenku ka qaadan karaan talada dalka, ka culimo ahaan waxa waajib idinku ah inaad sheegtaan in haweenku ay waqtigii Nabi Muxamed (NNKHA) uu ariminayay inay kaalin balaadhan ka qaadan jireen talada isla markaana uu Nabigu (NNKHA) dhagaha u furi jiray oo qaadan jiray taladooda, taasina ay astaan u tahay in haweenku ay lafdhab u yihiin talada bulsho doonaysa inay hormarto, sidaasi aawadeed waxa aan idinka rabnaa inaad haweenka dhiiri galisaan isla markaana gaashaanka u daruuntaan cidwalba oo diinta marmarsiiyo uga dhiganaysa inaanay haweenku talada dalka ka qayb qaadan karin.
Suldaan Saleebaan Cali Ismaaiil oo halkaasi ka hadalay ayaa yidhi “Haweenku waa hubaal in ay ninwalba oo talo la shir yimaada ay soo tiiriyaan talona soo siiyaan, balse dhibtu waxa ay tahay raga oo aanan sheegin in haweenkoodu la soo taliyeen, haweenku way arimin karaan, waanay ka naxariis badan yihiin raga, waxa kale oo intan dheer in waxyaabo badan oo gaboodfal ah oo haweenka loo gaysto ay jiraan, balse ay haweenku qariyaan si aanay uga dhalan mashaqo kale, arintaas dulqaadka salka ku haysa iyo geesinimo kale oo balaadhan oo ay haweenku leeyihiin way jirtaa, waxase loo baahan yahay inay haweenku ku dhiiradaan inay is abaabulaan oo ay u loolamaan sidii ay golayaasha umada looga arimiyo ugu soo bixi lahaayeen, iyada oo ay hubaal tahay in taladoodu ay noqonayo taladii hooyo nimo oo bulshada oo dhan dan u ahaan doonto.
Isuduwaha wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Awdal Sheekh Xaamud Nadiif Axmed ayaa sheegay in islaamku dhiiri galiyay in talada la wadaago, rag iyo dumarba, sidana waxa looga dayanayaa oo yeeli jiray ayuu yidhi Nabi Muxamed (NNKHA), sidoo kale waxa uu balan qaadan in wasaaradu ay dhiiri galin doonto in haweenku talada dalka ay ka qayb qaataan.
Xoghayaha Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac oo isaguna kulankan ka hadlay ayaa ka qaybgalyaasha kulankan ku dardaaray inay si qoto dheer u lafoguraan amuuraha horyaala isla markaana ay ka soo saaraan go’aamo dhaxal gal ah oo u adeegaya danta umada.
“Waxa aan xusayaa in golaha degaanka ee Boorama oo ka kooban 21 xildhibaan ay ku jirto hal xildhibaan oo haween ah, sidoo kale isuduwayaasha heer gobol oo 25 dhan waxa ku jirta hal isuduwe oo haween ah, labadaas haweenka ah waxaan ka marag kacayaa inay karti ku joogaan xilalka ay hayaan hawsha ay bulshada u hayaana ay tahay mid hufan oo waxqabad ka muuqdo, haweenka iyo sida ay talada ugu wanaagsan yihiin waxa u astaan ah labadaas mudane ee haweenka ah, waxana aan ku dhiiri galinayaa salaadiinta dhaqanka halka ay uga ololeeyaan raga waqtiga uu tartanku jiro inay garab siiyaan haweenka kuna dadaalaan in haween badan ay ku biiraan golayaasha umada looga arimiyo” ayuu yidhi Xoghaye Asad.
Si kastaba ha ayaatee dalada NAGAAD ayaa kulanada noocan oo kale ah waxa ay hore uga soo qabteen magaalooyinka Ceerigaabo, Burco, Berbera iyo Hargaysa, Booramana waxa ay noqotay meeshii ugu dambaysay ee uu ka hirgalo, waxana lagu hanwayn yahay inay ka soo baxaan go’aamo wax ku ool ah oo dan u ah umada haweenkana ku dhiiri galinaya inay ka qayb qaataan talada dalka
WARIYE:Mustafe Caraale
Gobanimo news.com
Borama office