Burco(GNA)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Maayirka Magaalada Turku ee wadanka Finland oo uu horkacayo Mayirka Magaalada Burco ku xigeenkiisa iyo xubno xildhibaanada Degaanka Burco ah ayaa kormeer indho indhayh ku soo maray mashariico horumarineed oo ka hirgalay Gobolkan Togdheer iyo sidoo kale kuwo ay xiligani dawlada hoose ee Degmada Burco ka wado gudaha Magaalada Burco.
Waxaana goobaha ay mareen kamid ahaa ilaa shan waddo oo xiligani ay dawlada hoose ee burco ka wado magaalada Burco iyo kuwo dhamaaday Dhismaha Jidka Burco oodweyne Iyo Hargaysa, dhismaha Kawaanka Xoolaha cusub ee Burco oo gebogabo ku dhow maxjarka Xanaanaynta xoolaha, cusbitlaaka dhimrka ee Burco, xaruunta ururka sayvo iyo Jaamacada Magaalada Burco isagoona sidoo kale intii uu ku jiray kormeerkiisani si guud ugu soo wareegay magaalada Burco
Maayirka Magaalada Burco Maxamed Muraad Iyo Kuxigeenkiisa muxumed xasan Oo sharaxaad ka siinaayay Goob kasta oo ay istagaan ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan weftigani uu hogaaminaayo maayirka magaalada Turku ee dalka finland booqashadanina noqonayso mid tariikhiya waxa ay ka codsadeen maayirka inuu xidhiidh toosa ay wada yeeshaan labada Magaalo,
Maayrika Magaalada Turku Ee Dalka Finland Saba ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinka Somaliland waa dal curdin ah buuyidhi oo ku talaabsaday horumar la taaban karo waxaan ka shaqyn donaan sidii aan beesha caalamka ugu gudbin lahaa horumarka taabagalay ee Somaliland waxa uu maayirka burco ugu hanbalyeeyay soo dhaweyna qiimaha leh ee ay u sameyeen isagoona balan qaaday inuu gashan doono liiska magaalooyinka ugu horeeya ee uu la shaqaqeeyo.
Roda Xasan oo kamid ah xubnha Degaanka ee Magaaladan turku ayaa mahad naq balaadhan u soo jeedisay Dawlada Hoose ee Burco iyo guud ahaan goboladii kala duwanaa ee ay soo mareen sidii aan hagrahsada lahayn ee loo soo dhaweeyay waxaana ay balan qaaday inay halkaasi ka sii wadi donaan dedaalkooda.
Xubno iyaguna ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka ee Degamada Burco oo madashani ka hadlay ayaa si isku mid ah ereyo soo dhaweyn ah u soo jeediyay weftigan ka socda magaalada turku ee wadanka finland.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office