Garoowe(GNA)Is marin Waa Xoogan baa ka Aloosan cid Metelaysa Xubanaha Baarlamaanka Gobolka Sanaag uu ku Yeelanayo Dowlada Puntland.
Xubno dhowr ah oo isku Beel ah dhamaantood ayaa xusul duub ugu Jira inay Noqdaan Baarlamaanka Gobolkaasi.
Gobolka Sanaag waxa ka socda olale balaadhan oo ay wadaan Xubno doonaya inay Helaan Ogolaanshaha Xubinimada Baarlamaanka inay ka helaan Isimada Deegaankaasi, in kastoo ay qaarkood adeegsanayaan Lacag bixin iyaga oo Duubabka dhaqanka Saxeexa kaga Bedelanaya Lacag.
Warar kale oo Dheeraad ah oo Sanaag Radio Helay baa Daboolka ka qaadaya in Dr Faroole oo Gacanta si Rasmi ah ugula Jiro Soo xulida Baarlamaanka Deegaankaasi uu ku Yeelanyo Pl, isaga oo Kaashanaya Wasiiradiisa Qaar Koowaada Gacanta Midig ah.
Suldaan Siciid C/Salaam ayaa lagu wadaa inuu Go'aan Adag ka qaato cida uu siinayso Saxeexiisa Ugu danbeeyay,waxana Jira Buuq iyo Baaqyo kala Gadisan oo ka kala imanaya Beelaha qaarkood.
Xubno badan oo ay Qaraabo Hoose Yihiin Suldaanka oo Baarlamaanka PL ka mid ahaa 15-Sano ee Maamulkaasi Jiray ayaa wali Hunguri ka qaba inay Helaan Sanadkana Baarlamaanka PL.
Waxa jira qorshe ay waddo Xukuumada Dr Faroole oo ah in Afhayeenka Baarlamaanka loo Badhi-taaro Shakhsi Reer Sanaag ah si Guushiisa ka dib uu Abaabul xoogan uga dhex sameeyo Baarlamaanka inay Doortaan Shan Sano oo danbe Madaxwayne C/raxmaan Faroole.
Waxaanu Helay Nuqul Waraaq ah Muujinaysa Cida ay Doonayso Dowlada Puntland in ay ka mid Noqdaan Xubnaha Baarlamaanka Waraaqdaasi oo aanu Si Hoose ku Helay Waxa loo diray Isimada Gobolka Sanaag.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com