Friday, November 22, 2013

Somaliland: 11 Qof oo ku Dhintay Shilal gaadhi oo waddo xumaanta loo nisbaynayo


"6 qof oo Maanta dhintay ayaa qayb ka ah in ka badan 156  qof oo Sanadkan ku dhintray 2875 Shil gaadhi oo sanadkan dalka ka dhacay"Warbixin GNA




Hargeysa(GNA)-Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyooday, afar kalena waxa ka soo gaadhay Shil gaadhi oo ka dhashay isku dhac laba gaadhi, kaasoo ka dhacay deegaanka Xamaas ee Gobolka Saaxil Maanta oo Khamiis.




Shilkan ayaa dhacay gelinkii hore ee Saaka, waxaana dadka waxyeeladu ka soo gaadhay loo qaaday cisbitaalka guud ee Berbera, sida laga soo xigtay Saraakiisha nabad-gelyada waddooyinka Gobolka Saaxil.




Ma jiro wax war ah oo Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka ka soo saareen sababta shilkaasi dhalisay, balse waxa la sheegay inay isku dhaceen Gaadhi Landcruiser ah iyo mid Surf ah, kuwaasoo ka kala yimi Galbeedka iyo Beriga.




Shilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo saddex maalmood gudahood ah ka dhaca Somaliland, waxaana laba maalmood ka hor shil noocan oo kale oo ka dhashay isku dhac laba gaadhi ku dhintay in ka badan shan ruux oo ay ku jiraan saraakiil sar-sare oo Shirkadda Somcable u shaqaynayay.




Qaar ka mid ah dadka shilka hore ku dhintay ayaa shalay lagu Aasay Magaalada Hargeysa, halka kuwa maantana loo qaaday dhinaca Magaalada Berbera.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Caawa dhamaal tacsi ah u diray dadka maanta ku Geeriyooday Shilka gaadhi,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay aqalka Madaxtooyada, kaasoo u dhignaa sidan:




“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo isku dhac shil baabuur ugu geeriyooday 21/11/2013 agagaarka Tuulada Xamaas ee duleedka Berbera.




ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii, Qoysaskii iyo qaraabadii ay ka tageena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.




Waxaanu Madaxweynuhu caafimaad Illaahay uga rajaynayaa dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in uu caafimaad sareecana uu siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”.




Shilalka gaadiidka ayaa ku soo badanaya somaliland bilihii ugu dambeeyay, taasoo loo nisbaynayo waddo xumada iyo masuuliyad darada Wadeyaasha Gaadiidka.




In ka badan 2873 Shil gaadhi oo ayaa sanadkan 2013-ka ka dhacay somaliland, kuwaasoo sababay dhimashada 156 Ruux inta la hubo iyo dhaawac in ka badan 1815 Qof, halka Khasaaraha adduun ee ku maqan lagu qiyaasayo ilaa 2600 oo isugu jira gaadiid bur-buray, xoolo nool iyo Guryo dumay, sida ay Gobanimonews ka heshay diwaanka Hay’adaha Nabad-gelyada waddooyinka Somaliland.




Waxaanay taasi ka dhigantahay in labadii maalmoodba uu dhaco Shilgaadhi oo khasaare dhaliyaa.




Bulshada reer Somaliland ayaa walaac weyn ka muujinaysa korodhka shilalka Gaadiidka iyo khasaaraha aan kala joogsiga lahayn ee  ka dhasha, shilalkaasoo ay ku sababaynayaan waddooyinka bur-bursan ee laamiga ah oo aan wax dayactir ah lagu samayn badankooda.




Xukuumadda Somaliland ayaa olole ugu jirta dhismaha waddooyin cusub oo ay Malaayiin Dollar ku baxayso, halka kuwii hore u samaysnaa ee isu socodka Goboladda dalka muhiimka u ahaa maalin kasta Gaadiidku ku gadoomayaan wado xumo awgeed.




Jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco ayaa ah mashruuca ugu weyn ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ololeha ugu jirto, balse waxaad moodaa inaanay u muuqan dhibaatada ka taagan wadda isku Gabiley iyo Hargeysa iyo Berbera iyo Hargeysa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com