Cali Daacuun oo mar kale Eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu Hanti umadeed ku Ololenayo"
Muqdisho(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la sheegay inuu Caawa kulamo gooni-gooni ah kula leeyahay Madaxtooyada inta beelaha quud daraynaya Kursiga reysal-wasaaraha Somaliya, hadii xukuumadda talada haysa lagu bedelo mooshin ka dhan ah oo Golaha Baarlamanka Maanta loo gudbiyay.
Siyaasiyiin ku dhadhow madaxtooyada iyo kuwa isha ku haya dhaqdhaqaayada socda, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in madaxweynuhu gaar gaar ula kulmay beelaha Daarood.
Siyaasi Cali Maxamed Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta arrinta isha ku haya ayaa Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha DFS ku eedeeyay inuu ku hawlan yahay olole uu dhaqaalihii umadda uu ku bixinayo, isla markaana Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Baarlamanka ee Kursiga Reysal-wasaaraha uu gaar gaar balan qaadyo ugu sameeyay.
“Xasan Sheikh Maxamuud, markii la doorayay wuxuu xildhibaanada baarlamanka u balan qaaday inuu siinayo Kursiga reysal-wasaaraha beelaha ay ka soo jeedaan, markii dambena wuu kaga baxay oo wuxuu doortay Cabdi Faarax Garaad.
Iminkana waxa uu ciyaarayaa tii oo kale oo Caawa waxa uu mid mid ugu yeedhay Beelaha Daarood, waxaanu beel walba u balan qaaday inay Kursiga Reysal-wasaaraha la siinayo oo ay ka qayb-qaataan Ololeha uu ku ridayo reysal-wasaaraha, waxaana ka mid Beelaha uu u balan qaaday ee uu caawa u yeedhay Beesha Majeerteen oo uu ku yidhi Reysal-wasaaraha idinkaa laydin siinayaa, beesha Mareexaan ayuu iyagana sidaa ku yidhi, beesha warsan-geli waxa uu ku yidhi idinkaa laydin siinayaa reysal-wasaaraha, waxa wadaana waa wax nasiib daro ah, xoolihii umada tabaaleysan ee daadadka iyo duufaanku baro-kiciyeen ayuu ku qarash geyraynaa.”ayuu yidhi Cali oo caawa Gobanimonews u waramay.
Waxaanu intaasi ku daray “anigu garan maayo cidda aaminaysa ee uu codka ka doonayo, waayo hore ayuu u khiyaameeyay xildhibaanada iyo beelaha.
Waxa kale oo jirta Odayaashii dhaqanka ayaa lagu khasbayaa inay xildhibaanadii ay soo doorteen ay ka dhaadhiciyaan inay reysal-wasaaraha ridaan, markaa waxa uu wado waa wax fool xumo ah oo madaxweyne aanu ku dhaqmin”.
Cali Daacuun oo ka hadlayay aragtidiisa ku aadan maxsuulka bedelaada xukuuamdda, ayaa yidhi “Reysal-wasaare saacid Shirdoon hadii la rido way kaga xumaanaysaa dawladda tii ka soo gaadhay iscasilaada guddoomiyihii Bangiga, waxaanu fashilayaa musuqmaasuqa dawladdu gashay, hadii uu ku guul-daraysto madaxweynuhu inuu reysal-wasaaraha ridana isagaa istiqaalad gudbinaya”.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay inay dawladda Xasan Sheikh Maxamuud ku sifowday musuqmaasuq iyo wax isdaba marin, halkii laga filayay inay samato bixiso shacbiga 22 sanadood dawlad la’aanta iyo colaadaha dugsanayay “Dawladani waxay talada haysa sanad, wax alaale wax la qabtayna ma jirto, waxay ku sifowday Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin”.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com